Bayaan ku socda Dhamaan reer SS&C

 

Nuux Ismaaciil Taani   iyo Ibraahim Caydiid  yay yihiin? fadlan ka soo warbixiya.

Waxaan dhamaan ogaysiinaynaa ummadda reer SS&C inay ka war hayaan arimaha ka soo horjeeda xuquuqal insaanka ee ka dhacaya dhulkeena. Dhamaan dadkii laga qaxiyay dhulkoodii wixii dhibaato ah ee gaadha waxaa ka masuul ah ciidamada SNMta iyo daba dhilifyadooda. Hadaba fadlan cidii haysa tix raac la xidhiidha tacadiga iyo dhibaatada la xidhiidha dadka shacabka ah ee lagu soo duulay fadlan soo uruuriya oo ku soo dira emailkan hoos ku qoran.

Waxaad kaloo soo qortaan qof kasta meel kasta oo aad joogtaan macluumaadkan.

1) Magacyadda ragga hogaaminaya ciidamadda SNM ta.

2) Darajadda taliyayaasha.

3) Magaaladda iyo gobolka uu ka soo jeedo

4) Qabiilkiisa iyo raas hoosaadkiisa.

5) iyo wixii kale ee sahli kara in la aqoonsado.

mahadsanidiin

Gudigga Xuquuqul insaanka ee SS&C

sscrights@yahoo.com