Alla ileyn af aadan lahayn ma qabatid

"maamulka Puntland horeba wax uma keeni jirin Laascaanood, laakiin iminka maamulka Somaliland waxa uu keenay daawooyin, wixii carruurtu wax ku baran lahayd, raashinkii dadkaa lagu quudin lahaa, burburkii magaalada ayey wax ka qabteen" Xaabsade.

Waxaa wax lala yaabo ah in Xaabsade oo SS&C wakiil uga ahaa Puntland 10kii sano ee la soo dhaafay inuu manta yidhaahdo Puntland waxba uma qaban dhulkii uu wakiilka uga ahaa. Intuu Xaabsay eedaynayo Puntland miyayna isaga ahayn inuu is eedeeyo?

Runtu waxay tahay Xaabsay 4 sanno oo uu Hargeisa joogayna wax ma tarin, 10 sanno oo Puntland joogayna wax ma tarin hadda oo Hargeisa uu ku noqdayna naftiisa ayuu ugu noqday oo naftiisuu wadaa ee qof reer SS&C ah wakiil kama aha. Xaabsay waxa kaliya ee uu taariikh ka tegayaa 14kii sanoo ee la soo dhaafay waa isu daygiisii dhicisoobay ee uu isku dayay inuu reer SS&C uu munaafaqad dhex dhigo taas oo wejigiisa ku qaraxday waji gabax iyo yax yax ayuuna ku noolaanayaa inta noloshiisa ka hadhay. Haduu toobad keeno oo Illaahay u soo noqdo dadkiisana wanaag kula soo noqdo dee Allaa yidhi toobadu waa furan tahay.

Waxaanse leeyahay, haddii taariikhdiisii hore markhaati inoo gasho ninkani waa xadhig lama sitaan. Waxayna u muuqataa ama waa macangag is leh rabitaankaaga ayaad umad dhan ku khasbi kartaa oo marba meel ugu jihayn kartaa ama waa nin politics 101 ka soo booday oo ayna u bilaabnayn, labada tuu noqdaba wuxuu u egyahay nin fashilmay taariikhdana baal madow ka galay.

Hadaba, 10 sano ayaad Puntland hor fadhiday oo aad lahayd "Waxaan ahay wasiirkii reer SS&C ugu tunka weynaa anigana wax ha la iga waydiiyo" hadana waxaad leeday Puntland waxba ma qaban. Markaa adigu waxba maad qaban weeye micnuhu, hadana maaweelada caruurta naga daa reer SS&C dantooda umaad tegine waxaad u tagtay wasiir xume ayaad ahayd oo wasiir la'aan baa kugu dhacday. Markaa caqligaagii ma wuxuu ku siiyay;

Reer SS&C wasiirnimadii Puntland baan wayaye inakeena Hargeisa aadnee? Ilaahbaan kugu dhaarshee fidmadu ma intaas baa mise "secret plot" kale ayaa jira adiga iyo Illahay kaliya ogyihiin?

ku Noqo Bogga Hore ee Xaadhadhan.org