Xaabsay oo maanta Hargeisa tegay ayaa ku dhawaaqay erayo dadka qaarna kaga qosliyay qaarna ka yaabiyay. Erayadii maanta laga qoray waxaa ka mid ah:

“Waan ku faxsanahay imaan-shiyaheyga Hargeysa, oo waxaan imi Gurigeygii”

“Dadka oo dhana waxaan leeyahay ku soo dhawaada Hargeysa [Well Come to Hargeysa]” 

“Waxaan Dareemayaa si qeyrul-caadiga oo uu wadnahaygu tilmaamayo sidaan u jeclaysanayo dadkii aanu is-naqaanay ama ehelka ahaa ama asaxaabta ahaa inaan arko aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, oo waan ugu mahadnaqayaa iyaga iyo Magaaladaba”

Xaabsay oo qaba xanuunka la yidhaahdo  Attention Deficit Disorder (ADD) ayaa ah nin aan laysku halayn karin. Shalay ayay ahayd markuu durbaanka u garaacayay maamulka Hargeisa. Markii maamulkaasi uu dabooli kari waayay baahidiisa (Waa intii maamulkaasi uuna bilaabin lacagta la soo daabacdo ee dadka lagu asqaysiiyay) ayuu Xaabsay go'aansaday inuu ku biiro maamulkii dadka walaalaha ahi ku dhisteen. Maamulkaas oo uu ka ahaa wasiir laga soo bilaabo markii la dhisay ilaa iyo hadda. Xaabsay markii laga qaaday xilkii uu ka hayay maamulkaas ayuu ka xanaaqay oo wuxuu  aamin san yahay in Wasiirnimadiisu tahay mid aan gor gortan geli karin inta uu isagu nool yahay. Markii uu waayay jagaddii wasiirnimo ayuu wuxuu go'aansadday inuu talada reerka foororiyo isagoo u yeedhay SNM inay qabsadaan dhulkii si uu wasiirnimo uga helo maamulka SNM ee Hargeisa. Wuxuu la wareegay been iyo cadifad yar oo aan meel gaadhsiisnayn taas oo markii isagga iyo Afqudhac (Nin aan xikmad badan lahayn) ay is qabteen ayuu wuxuu u tusay dad badan in dhibtu aanay ahayn laba nin oo is haysta balse ay tahay reerka SS&C oo jifooyin isu haysta taas oo wax ma garad fara badani ku tasoobeen.

Waxaa maanta sharaf ah in reer SS&C ay midaysan yihiin beentii iyo kutiri ku teentii uu 6 bilood la wareegayayna lagu fahmay, Xaabsayna uu dhibkiisii la tegay, waxaanse reer SNM u sheegayaa Xaabsay dhibkii buu nagala yimid ee haddaad rabtaan inaad qancisaan mashiinadda aad lacagta been abuurka ah ku daabacataan soo badsada, waxaana idin leehayah Xaabsay waxba ha ku farxina, ama cidlaa dili oo buufis baa ku dhici ama berito isagoo toobad keen ah ayaan Laas Caanood ku sugi waajibkiisaana la marin doonaa.