Buuhoodle: Ma ka bad baadi kartaa Shirqoolkii LA oo kale?
Sidaan la wada socono, magaalada Laas Caanood ayaa dadkii u dhashay laga qaxiyay oo gacanta u gashay xoogag is biirsaday oo aan magaalada u dhalan. Balse, intaan magaalada la qabsan waxaa laga shaqeeyay shaki ku dhex abuur iyo kala fogayn loo gaystay dadkii wada dhashay ee magaalada wada deganaa. Iyadoo taa lagu guulaystay ayaa waxaa la soo isticmaalay rag danaystayaal ah oo magaalada ka soo jeeda diyaarna u ah inay qaadaan ficil kasta oo qaxinaya hooyadii, eedadii, ayeeydii iyo dhalaanka magaaladda oo dhan haddii ay isaga u sahlayso inuu calooshiisa iyo hamigiisa shakhsiyeedba uu dar yeelo. Arintii Laas Caanood ka dhacday waa taariikh waxaana lagu dhigayaa buugta ay baranayaan caruurta reer SS&C qarniyadda soo socda.
Waxaase jirta, Magaalada Buuhoodle ma ka bad baadi kartaa shirqoolkaa jebiyay Laas Caanood qaxiyayna dadkii deganaa? Waxaa muuqata in degaanadda Buuhoodle ay joogaan rag la mid ah raggii Laas Caanood gacanta ka saaray raggaas oo wada abaabul la mid ah kii kala qaybiyay Laas Caanood. Su'ashu waxaa weeye, reer Buuhoodle maka caagan yihiin sirtii iyo shirqoolkaas oo kale mise, arintii ahayd "mar i dage Alle ha dago, laba jeer idagana anaa isu dagay" kama dhaqan gelin oo dadku xaalkaa ma ogga? Waxaan aad ugu hanwynahay in magaaladda Buuhoodle ay ku waano qaadatay LA diyaarna ay u yihiin inay iska ilaaliyaan ragga shalay dhalayga ah ee raba inay Buuhoodle mariyaan meeshay Laas Caanood martay.