Laas Caanood (DMC) Ciidamada SNM ee qabsaday magaaladda Laas Caanood badhtamihii bishii hore ee Actoobar ayaa bilaabay inay xidhaan wadooyinka u baxa magaalooyinka Garoowe iyo Boocame. Sababta loo xidhay wadooyinkan ayaan Jamhadda SNM ayna sheegin balse waxaa loo tirinayaa inay tahay cabudhinta fikirka dadka degaanka oo shir ku leh magaalada Boocame. Shirkaas oo laga sugayo in beesha SS&C ay ku gaadho go'aan midaysan oo ka dhan ah jamhadda SNM iyo niman sandareero ku nool ah oo isu bah dilay cad quudhsi ay jamhadda SNM gunno uga dhigto si ay u soo daba galaan. Xidhitaanka wadadda Boocame oo arintaa u xidhan ayaa waxaa weheliya wadadda Garoowe oo iyaduna xidhan iyadoo jamhaddu ay ka baqayso in Garoowe laga soo aado Boocame. Shirkaas ayaa waxaa Jamhadda iyo daba dhilifyadeedu ay ka shaqaynayaan inay burburiyaan oo ku macneeyaan shir ka mid ah shirarkii Soomaalida caadada u ahaa oo la yidhaahdo wuxuu ahaa shir aan loo dhamayn. Hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in Garaad Saleebaan uu soo gaadhay magaaladda Boocame, halka garaaddo kalana ay ku soo jeedaan magaaladda Boocame.

Waxaa kale oo wararku sheegayaan in sheekha magaaladda Laas Caanood oo safar ugu bixi lahaa magaaladda Boosaaso ay jamhaddu u diiday.