MUDAHARAADKII BUUHOODLE:
Buuhoodle (DMC) Waxaa maanta ka dhacay magaala madaxda gobolka Cayn ee Buuhoodle, mudaharaad lagu muujinayo sida dadku uga xunyihiin wax qabad la'aanta Garaadada iyo oday dhaqameedyadda SS&C iyadoo magaaladii ugu weyneyd ee beeshu ay tahay degaan la haysto. Dakaas ayaa qaarkood waxay lahaayeen "MAXAA LAAS CAANOOD UGU SHIRI WEYDEEN? WAA LA HAYSTAA SOW MAAHA? DEE HADABA FADHIGA KA KACA OO HORTA MAGAALADU HA XOROWDO" Dadkaas ayaa waxay tusayaan Oday dhaqameedyada iyo walaalahooda Laas Caanoodba in ay rabaan in si dhaqso ah Laas Caanood u xorowdo dadkii u dhashayna ay uga taliyaan.