Buubaa   VS.  Fu'aad     

Wadani wehel waayay            &             Habaw aan mabd'a lahayn.

Ismaaciil Hurre Buubaa iyo Fu'aad Adam Cadde waa laba nin oo isku kacaan ah oo aan filayo inay isku da’aad yihiin. Hase ahaatee fekerkooda iyo hiyigga ay higsanayaan ayaa aad u kala duwan. Bubaa, Somaali baa u han wayn oo fikir Soomaaliyeed baa ku jira. Fua'adna reer Waqooyi Galbeed baa u han wayn (waan malaynayaa) oo fikirkooda ayaa ku jira. Hadaan Buubaa ku horeeyo,  wuxuu ku fikirayaa oo daba socdaa dowlad Soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay wuxuuna aamin sanyahay in haddii dawlad Soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay dhalato in Soomaali dhamaanteed ay isu wada imanayso oo Soomaalinimaddii iyo walaaltinimaddii ay dib u bilaabmi doonto, dhibaatooyinkii iyo fool xumaddii 17+ sano ee la soo dhaafayna aynu iska ilaabi doono oo hore u soconayano. Hase ahaatee, dhib yar ayaa haysta Buubaa; oo fikirkiisu inkastoo uu yahay midkii saxda ahaa ee ku haboonaa qofkii wax garad ah, reerkiisii ayaa ku diidan oo u arka nin aan reerka fikirkiisa qabin kuna jira habaw cidla ah oo aan cidi la wehelin. Buubaa isagoo taa dareensan ayuu wuxuu Soomaalida inteeda kale oo reerkuu ka dhashay uu ka maqan yahay wuxuu yidhaahdaa, dawlad la isku waafaqsan yahay ha la helo, intaa ka dib cid kastoo xanaaqsani way iman doontaaye, taas ayaana u ah saldhig fikirkiisa siyaasadeed.
 
Fu'aad Aadan Cadde isagu wadaninimo kuma jirto haday ku jirtana kama muuqato. Wuxuu fahamkiisii iyo garaadkiisii siiyay inuu ka shaqeeyo sidii Soomaali loo kala dili lahaa dhibaato ay dhaxlaan caruurtuu awoowaha uu yahayna ay maanto bilaabanto.  Sida Ismaaciil Buubaa oo kale, ayaa fikirkiisu yahay mid aan cid reerkiisa ka mid ahi aanay la qabin oo ay tahay arin isaga u gaar ah. Hase ahaatee, sida Ismaaciil caqli kuma darin oo kuma odhan qolyaha fekerkiisa ka masuul ah, war reerkayga go'aankoodu waa cad yahaye bal horta aan meel wax gaadhsiino markaa ka bacdi aan eegno sida xaal noqdo, balse wuxuuu go'aansaday umad ka badan 95% oo go'aankiisa khilaafsan in uu go'aankiisa shakhsiyan ah uu ku dirqiyo. Dagaal ayuu soo abaabulay uu ku leeyahay fikirkan aniga ii gaar ah qaado haddaad diido arinkaygu waa “Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin” taas weeye ta caqligiisu siiyay dhibkeediina hordhiciisii waa muuqdaa.
 
Ismaaciil Buubaa caqli buu la yimid, wuuna ku najaxayaa oo taariikhdu isaga ayay aakhirka qiraysaa inuu ka saxsanaa dhamaan cidii ka soo hor jeeday, Fu'aadse taariikh fogba sugu maayo oo maanta ayay u muuqataa inuu tariikhda Soomaaliyeed iyo tan reerka uu ka dhashayba uu ka galay baal madoow oo aan mudnayn in laga sheekeeyo oo ku mudan qarinta iyo duugista baalkaa madoow. Ismaciil Buubaa haduu maanta go'aansado inuu xoog reerkiisa xaqa iyo midnimada ku tuso, garawsiiyo ka heli maayo in badan oo Soomaaliyeed iyo dhamaan reer SS&C oo ma doonayaan in xoog lagu sanduleeyo umad feker kale aaminsan. Balse Fu'aad xaqdaro iyo Fidmo ayuu ku helay hiil iyo hoo oo wataa maanta loo wada fadhiyo.
 
Taariikhda ayaan eegaynaa siday u kala xukunto labadda nin, iyo nin waliba raadka uu ka tegi doono marka tii Alle u timaado.
 
 Hadaan kaftan yar ku soo geba gebeeyo: Anoo la hadlaya reer Waqooyi Galbeed, Abtiyaal: Buubaa anaguu wax na tarayaa oo Soomaalinimadiisa ku rabno'e ma qaadanaa? Fuaad Aadan Cadde, isaguna idinkuu wax idiin tarayaa malaha'e isaga qaata. Xitaa haduuna waxba idiin tarayn, oo uu yahay xadhig lama sitaan ee inta kaliya ee aad u wadataan uu yahay inuu isagoo shaqsi ah uu quruun dhan soo sanduleeyo, waa idiin muuqataa imika oo caqli gal maaha'e, dhibkiisa hanagala maqnaadee iska haysta oo dhibtiisa oo aad naga haysaan noogu asxaan fala. Haddii labadaa nin aan is dhaafsano, Buubaa tol buu heli, Fuaadna dhib kuu dayn, reer Waqooyi Galbeed Buubaa way ka raysan, reer SS&C Fu'aad way ka raysan nolol iyo nabadna way dhici ee anagu yeelaye abtiyaal ma yeesheen?
 

Abdi Xarbi

dantaguud99@yahoo.com

Fikradani waxay gaar u tahay qoraaga qoray. Daabicisteedu maaha in Xaadhadhan.org qabto fikradan. Haddi aad rabto inaad

gudbiso fikradaada ku soo dir halkan opinion@xaadhadhan.org