Dhiigshiil: Baayac Mushtar Somaaliyeed mise shaati qoys?

Buuhoodle (Daraawiish Media Center. DMC). War nagga soo gaadhay magaalada madaxda gobolka Cayn ee Buuhoodle ayaa waxay sheegayaan in xawaaladda Dhiigshiil ay qayb lixaad leh kaga jirto dhiiri galinta iyo maal u uruurinta xoogagga qabsaday Laas Caanood. Waxaa warkaasi sheegayaa in xawaalada Dhiigshiil ay u furtay sanduuq (account) khaas u ah arintaas kaas oo dadku ku shubayaan lacagta ay ugu talo galeen hawlaha ka socda Laas Caanood iyo guud ahaan dhulka SS&C. Dahabshiil oo ku leh hanti dhaqaale meelo badan oo ka mid ah dhulka Daraawiisheed aya u muuqataa hadana inuu kalsooni ku qabo inuu dhiiri galiyo gardaradda ay wadaan SNM iyo qolyaha gunnada ka qaata.

Dhalinta reer Radio Laas Caanood oo loo maaro laayahay in la bedelo hadana xabsi loo diyaarinayo.

 

Laas Caanood (DMC) Wararka ka imanaya magaalada Laas Caanood ayaa waxay xaqiijinayaan in dhalinyaraddii ka shaqayn jirtay Radio Laas Caanood la raadinayo si loogu qaado xabsi gaar ah oo loo sameeyay dadkii ka dhiidhiyay qabsashadii Laas Caanood. Dhalinyaradaa oo markii hore lagu dayay xod xodasho iyo hoosaasin si ay Idaacadii dib ugu furaan looguna isticmaalo in lagu majaro habaabiyo ummadda reer Laas Caanood khaas ahaan iyo reer SS&C guud ahaan balse ah dhalin u bisil waaqica ka taagan aduunka iyo wadankaba. Dhalintaa Radio Laas Caanood oo ahaa kuwii soo bandhigay dhibaatadii loo gaystay wiilkii wadaadka ahaa ee xabsiga Hargeisa lagu jir dilayay arintaas oo golaha Soomaalida ku sheekaysato looga bixiyay "Guantanamo in our midst. Hargeisa jails are run by Ethiopian secret services" ayaa weli maamulka Hargisa u ciil qabaan oo doonayaan inay gacantooda soo galaan.