Laas Caanood(Daraawiish Media Center) Laga soo bilaabo maalintii magaalada Laas Caanood ay ka baxday gacanta dadkii u dhashay ayna la wareegeen maleeshiyo ku abtirsada SNM iyo dabadhilifyo gunno ka qaata, waxaa ka socda magaaladaas in laga dhoofiyo dadka damiirka iyo dhiigu ku jiro ee ka soo hor jeeda Huwanta qabsatay magaaladaas. Maalmihii hore waxaa la qab qabtay oo la dhoofiyay qof kasta oo qori haystay diidayna inuu khasab uga mid noqdo maleeshiyada u shaqaysa SNMta ka dibna waxaa loo masaafuriyay Burco iyo Mandheera oo waxaa lagu sheegay inay yihiin maxaabiis dagaal. Ayaamahan dambe waxaa bilaabantay in shacabka caadiga ah baabuur lagu raro oo loo qaado xabsiyo. Sababta ka danbaysana waxaa weeye dadkii reer Laas Caanood oo intii qaxday mooyee intii kale ay diideen oo ka dhiidhiyeen joogitaanka ciidamadan huwanta ah magaaladoodii. Si markaa loo damiyo xiisadaa waxay huwantu go’aansatay in magaalada dadka laga cidleeyo si xiissadu u yaraato ama u danto. Go’aankaas oo ay qaateen taliyayaasha ciidanka SNMta iyagoo aan wax la tashi ah la samayn kuwii madiidinka u ahaa. Sida uu ina Aadan Cadde ka qirtay BBC da.