Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Cadaalada Somalailand Yuusuf Talaabo Wuxuu Xaq U Leeyahay In Loola Dhaqamo Si Bani’Aadanimo Ah.

hadhwanaag 2008-08-06 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Agaasimihii hore ee Dalada Xuquuqal Iinsaanka Somaliland Mubaarig Ibraahim Aar oo uu wehelinayo Xubin ka tirsanaa Gudiidii Hore ee Xidhiidhinta Dalada Xuquuqal Insaanka Somaliland Maxamed Cabdalle Cilmi ayaa ugu baaqay cidkasta oo ay khuseyso sidii looga hawlgeli lahaa bixinta daynta lacageed ee uu Wasiir Ku-xigeenkii Wasaarada Cadaalada Somaliland Yuusuf Ciise [Talaabo] uu sheegay inuu uugu xaniban yahay Magaalo Madaxda Dalka Ethiopia ee Adis Ababa, isla markaana uu u heli lahaa daryeel Caafimaad,

Sida waxa uu ku sheegay Agaasimuhu Warsaxafadeed qoraal ah oo uu Caawa nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com Xafiiskeeda Magaalada Hargeysa,

Warsaxafadeedkiina waxa uu u dhignaa sidan:

“Sida laga war qabo dhowaana lagu faafiyey Saxaafada Somaliland waxa ku xaniban Caasimada Adis Ababa Wasiir Ku Xigeenkii Cadaalada Mudane Yuusuf Ciise Ducaale isagoo sida la sheegay halkaa u tegay inuu uga sii gudbo Dalka Ingiriiska sababo la xidhiidha dhinaca Caafimaadka.
Wasiirka oo xidhiidh la soo sameeyay Wargeyska Ogaal ayaa wuxu sheegay in loo haysto lacagtii uu ku deganaa Hudheelka taas oo dhan 7000$ todoba kun oo Dolar,
Waxa kale oo Wasiirku Sheegtay in Xaaladiisa Cafimaad aanay saamaxayn inuu ku jiro duruuftan oo kale isla markaana Safaarada Ingiriiskuna u diiday fiisihii uu ku tegi lahaa Uk.
Sidaa darteeed anagoo tix raacayna Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka kaas oo dhigaaya in qofkastaa xaq u leeyahay inuu helo Caafimaad kuna noolaado Sharaf iyo kaaraamo.ayaa waxaanu aad uga walaacsanaha ugana xunahay arintaas ku dhacday Yuusuf Ciise Ducaale
Hadaba waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan dhinacayada arintani khusayso inay sida uga dhaqso badan uga hawl galaan sidii Yuusuf Ciise u heli lahaa daryeel caafimaad, Isla mar ahaantaana looga bixin lahaa deyntaa uu ku xaniban yahay.”
 

Xigasho:  Hadhwanaagnews.com.
Hargeysa