Taageerayaasha Ururka NSUM Oo Shir Taageero Ah Ku Qabtay Seattle, Washington

 

Seattle, Washington:-Taageerayaasha Ururka NSUM  ee Seattle, Washington ayaa maalintii  Axadda 06/29/06 isugu yimid shir ballaadhan, oo lagu taageerayo Ururka NSUM islamar ahaantaasna loogu dabbaa-ldageyo 26Th June maalintii goballada Waqooyi Xorriyadda ka qaateen gumaysigii Ingiriiska.

 

 

Xafladdan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, dad aad u faro badanna ka soo qayb galeen, ayaa waxaa halkaa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo isugu jiray kuwa diiniya, gabayo, wacyi gelin iyo hadallo aad u qiimo badan, oo giddigood lagu taageerayo midnimada Soomaliya iyo siday muqaddas u tahay.

 

 

 

Taageerayaasha NSUM ee reer Seattle waxay kaloo shirkan diiradda ku saareen sidii ay u horay marin lahaayeen, una taageeri lahaayeen ururkan cusub.

Waxaa halkaa warbxin dheer ku soo bandhigay Eng. Nuur M. Gaas, oo ka warbixiya shirwaynihii Ururku ku yeeshay London bishii May horraanteedii, waxaana la wada qaatay dhammaan qodabadii ka soo baxay shirkii London.

Munaasabaddan waxaa iyana hadallo koob kooban ka jeediyay marti sharaf kale, oo dhammaantood ammaan u soo jeediyay hogaamiyayaasha Ururka NSUM, kuna nuux nuuxsaday in uu Ururkani yahay kii Jaalliyadda ka soo jeeda SSC midayn lahaa.

 Xafladdan oo ahayd mid aad u dheer, waxaa iyana sidoo kale lagu soo dhaweeyay 1st July maalintii midowga goballada Waqooyi iyo Koonfureed, waxaana si kooban hadallo looga jeediyay muhiimadda ay maalintani u leedahay  ummadda Soomaaliyeed.

Waxaana lugu duceeyay in Ummadda Soomaaliyeed Ilaahay dhibka haysta maanta ka saaro.
 

 

Abdihakim Hassan
Seattle, Wshington

Xigasho: Jidbaale.com

                                                             Home