WARBIXIN KU SAABSAN KULANKII QURBA JOOGTU YEELATAY, JUNE 24, 2007.
Bisha Juun 24keedii 2007, waxaa taleefanka jamaca loogu wada sheekaysto ku kulmay qurba joogta Xaadhadhan. Ka soo qaybgalayaashii kulankaas waxay warbixin dhamaystiran ka dhegaysteen Xassan Guhaad oo booqasho kaga soo noqday Xaadhadhan. Warbixintaa wuxuu Xassan ku soo bandhigay, wixii qabsoomay, wixii dhiman iyo wixii wax ka qabad u baahan mustaqbalka dhow. Xassan wuxuu soo bandhigay baahida mustabalkan dhow oo ah sidatan:
1) Dhamaystirka laba qol oo ka mid ah dugsiga oo aan dhamaystirnayn.
2) Silig guud oo lagu soo xidho dhulka dugsigu leeyahay.
3) Silig lugu xidho dhismaha dugsiga si loo ilaaliyo socodka ardayda.
4) Bakhaar lagu kaydiyo agabka dugsiga.
5) Matoorka korontada sameeya oo faaiido u ah waxbarashada ardayda.
6) Dhisid Garoonka kubadda koleyga. (Kubaddii iyo koleygii way haystaan)
Qiimaynta baahidan waxaa lagu qiyaasay lacag dhan $7, 000 (Todoba kun oo lacagta Maraykanka ah) Isla kulankiina waxaa lagu go'aansaday sidii lacagtaa loo bixin lahaa waxaana loo qaybsaday sidatan:
| Lacagtii loo qoondeeyay wax ka qabadka degdegga ah ee Xaadhadhan | ||||||
| Meesha/Qofka | Cadadka lacagta | |||||
| 1 | Arizona | $ 500.00 | ||||
| 2 | Chicago/Virginia | $ 500.00 | ||||
| 3 | Columbus, OH | $ 1,000.00 | ||||
| 4 | San Jose | $ 1,000.00 | ||||
| 5 | Twin Cities/ND | $ 1,000.00 | ||||
| 6 | U.K | $ 1,500.00 | ||||
| 7 | Xassan Guhaad | $ 1,000.00 | ||||
| 8 | Xassan Mahdi | $ 500.00 | ||||
| $ 7,000.00 | ||||||
Waxaa kale oo go'aan laga gaadhay siddii mushahaarka macalimiinta loo qaybsan lahaa oo ah sidatan.
| Bisha | Magaalada/Gobolka Qaabilsan |
| Janaayo | Canada |
| Febraayo | San Jose |
| Maarso | San Jose |
| Abriil | Columbus, OH |
| Maay | Columbus, OH |
| Juun | Chicago/Virginia |
| Luuliyo | Minnesota/North Dakota |
| Ogosto | Minnesota/North Dakota |
| Sebtember | New England/Seattle, WA |
| October | Arizona |
| November | U.K |
| December | U.k |
Ugu danbayntii waxaa lagu go'aansaday guddi xidhiidhiya qurba joogta meel kasta oo ay joogaan. Gudigaas oo howshoodu tahay ka wary haynta iyo la socodka habsami u socodka howlahaa la qorsheeyay. Gudigaas la magacaabay waxay kala yihiin.
| Shir Gudoonkii Guud ee Teleconferenceka Maanta | June, 24, 2007 | |
| Gudoomiye: | Axmed Jaamac Cabdille | |
| Xubin: | Moxamed Jibriil Caateeye | |
| Xubin: | Xassan Mahdi X. Faarax | |
| Gudiga Fulinta | ||
| Cabdillaahi Cabdi Qoobey | U.K | |
| Cabdirisaaq Cumar Jaamac | San Jose | |
| Ismaaciil Faarax Macalin | San Jose | |
| Moxamed Cabdi Salaad | Minnesota | |
| Xassan Guhaad X. Axmed | Columbus |
Wadda shaqayn wacan. Good Luck!.
ku Noqo Bogga Hore ee Xaadhadhan.org