




05/25/08 |
|
|
Taariikhda Dugsiga Hoose/Dhexe ee Xaadhadhan.
Axmed Jaamac Cabdille
Taariikhda Xaadhadhan. Hadaad rabto inaad ogaato taariikhdda dugsiga Xaadhadhan, waxaa lagama maar maan ah inaad ogaato taariikhda magaalada Xaadhadhan sababtoo ah waa taariikh mataano ah. Dugsiga Xaadhadhan waxaa sababay magaalayntii iyo deegaamayntiii magaalada Xaadhadhan. Xaadhadhan waxay degaan magaalo noqotay 1956dii, xilligaas oo weli gumeystihii Ingriisku uu ka talinayay goboladda waqooyi. Markii gumeyiga Ingriisku wadanka xukumayay, lama aasaasi karin magaalo iyadoo aan ogolaansho laga haysan xukunkii isticmaarka. Xilligaas ayaa Axmed Jaamac Cabdille (Jingelli) wuxuu warqad codsi ah u qortay taliskii Ingiriiska oo uu ku weydiisanayey inuu magaalo ka unkumo degaanka Saleebaan Ooday oo 5 mayl dhinaca bari kaga began Xaadhadhanka maanta. (Xaadhadhan waxaa markaa la odhan jiray Gogolmadoon oo ahayd meel xoolo daaqeen ah ) Codsigaas markii Ingiriiskii soo ogolaaday, ayaa odoyaal degaanka ahi waxay ku taliyeen in Xaadhadhanku kaga haboonyahay Saleebaan Ooday magaalo ahaan sidaas ayaana berkedii ugu horaysay looga qoday Xaadhadhan. Berkedaas oo Axmed Jaamac uu u qoday aabihii Jaamac Cabdille( Alle Ha Unaxariistee). Iyadoo berkedaa ay weli howshii ku socoto ayaa odayaal fara badan oo reer Xaadhadhan ahi bilaabeen inay iyaguna berkedo kale qotaan, odoyaashii ugu soo horeeyay waxaa ka mid ahaa Guhaad X. Axmed, Moxamed Xassan Qambi, Axmed Kidifaar, Cabdillahi Aar, Xirsi Ducaale dhamaantood Alle ha u naxariistee iyo Cabdi Qoobey. Sanad gudahood ayaa waxaa laga qoday berkedo kor u dhaafay shan iyo toban sidaas ayaana Xaadhadhan ku noqday degaan magaalo. Markii Xaadhadhan degaanoobay ee uu noqday magaalo la degan yahay waxaa laga bilaabay malcaamad quraanka lagu dhigto malcaamadda ayaa ka horaysay dugsiga hoose/dhexe. Xaadhadhan waa magaalawday, qoysas badan oo caruuro wataana waa soo degeen, sidaa darteed waxaa loo baahday oo lagama maarmaan noqotay in la abuuro dugsi caruurtu ay wax ku bartaan oo lagu joogteeyo magaalada Xaadhadhan. Xilligaas isticmaarkii waa ka tegay wadanka waxaana ka talinaysay dowlad curdan ah oo midaysay labadii Soomaaliyeed ee Koonfur iyo Waqooyi. Axmed Jaamac Cabdille oo markaa ahaa Badhasaabka degaanka Burco ayaa 1963dii u dhiibay 5000 (shan kun) oo shillin Soomaali ah Cabdi Jaamac Halac oo ku yidhi ku dhis hal qol oo dugsi ah, waxaana halkaa ka bilaabmatay taariikhda dugsiga hoose dhexe ee Xaadhadhan. Waxaa muhiim ah in la xuso, lacagtaas Axmed Jaamac u dhiibay Cabdi Jaamac kama iman wasaaradda waxbarashada oo in dugsi laga aasaaso Xaadhadhan weli wasaaradda waxbarashada uma qorshaysnayn. Lacagtaas waxay ahayd lacag ka soo hadhay lacag loo qoondeeyay mashruuc kale oo maamulka gobolku uu fuliyay lacagtaas markay soo hadhay ayuu Axmed Jaamac uga faaiidaystay dhisida dugsiga hoose/dhexe ee Xaadhadhan. Sanad ka dib, ayaa markale Axmed Jaamac u dhiibay Xassan Tooxyare (Alle Ha Unaxariistee) 5000 (shan kun) oo kale oo uu ku yiri ku dar dugsigii qol kale. Jiritaankii dugsigii hoose dhexe ee Xaadhadhan wuu taabo galay, waxaana maamulkiisii la wareegay wasaaradda waxbarashada Soomaaliyeed oo u soo magacawday macalimiintii wax ka dhigi lahayd dugsigaas. Laga soo billabo ardaydii lagu bilaabay waxbarashada dugsiga ilaa iyo sanadkii 1988dii, sanad walba arday ayaa ka qalin jabinaysay dugsigaa. Dagaaladii sokeeye ee waqooyiga Soomaaliya iyo dowlad la’aantii ka danbaysay awgeed ayaa sababtay in dugsigu xidhnaado muddo afar sanno ah (1988 -1992.) Magacyadan hoos ku qorani waa ardaydii ugu horaysay ee ka qalin jabisay dugsiga hoose/dhexe ee Xaadhadhan sanadkii 1966kii.
Xaadhadhan Class of 1966.
|
Xilligii Dowlad La’aanta:
Sanadkii 1993dii ayaa saddex macalin oo ka mid ahaa dhalinyaradii magaaladu isu xilqaameen inay caawiyaan caruurtii da’da waxbarashada maraysay ee Xaadhadhanka degaanka u ahayd. Saddexdaa macalin oo kale ahaa; Moxamuud Cabdi Moxamed, Cabdi Jaamac Saleebaan iyo C/qani Moxamuud Jaamac. Labada macalin ee danbe waxay weli xubno fir fircoon ka yihiin macalimiinta wax ka dhigta dugsiga Xaadhadhan. Sanadkii1996dii, ayaa qurbo joog reer Xaadhadhan oo degaan u ahayd magaaladda San Jose ee USA ay isu xilqaameen siday macalimiintaa u guntatay howshaa muhiimka ah uga caawin lahaayeen xagga biilasha oo u qoreen mushahaar lagu dhiiri galinayay macalimiintaa. Reer Xaadhadhankii joogay magaalada San Jose rag iyo dumarba way u guntadeen arintaa waxayna soo wadeen oo ay dugsiga soo gaadhsiiyeen ilaa uu ka yeesho todoba macalin oo joogto ah qurbo joogtii kalana ay diyaar u noqdeen inay kala qayb qaataan howshaa muhiimka ah.
Gacmo Wadajir Bay Wax Ku Gooyaan:
Sanadkii 2003dii ayaa taleefanka jamaca loogu wada sheekaysto oo lagu qabtay Maraykanka waxaa lagu gudoomiyay in lacag loogu uruuriyo dhisidda dugsigii Xaadhadhan. Lacagtaas oo ay ururinteeda ay ka qayb qaateen reer Xaadhadhan aad u tiro badan oo kala jooga Maraykanka oo dhan iyo wadanka Ingiriiska. Lacagtaas oo dhamayd $16, 000 (Lix iyo toban kun oo doolar) waxaa lagu dhisay laba qol oo dugsiga ah waxaana lagu horu mariyay bilicda dugsiga guud ahaan. Shir kale oo la qabtay sanad ka dib ayaa la isku raacay in magaalooyinka Columbus , Phoenix , iyo gobolka Minessota oo dhamaantood maraykanka ahi ay ka qeyb qaataan bixinta mushahaarka macalimiinta dugsiga. Bishii Juun ee 2007dii, ayaa markale oo shir qurbo joogta reer Xaadhadhan ay isugu yimaadeen oo taleefan ahaa ayaa waxaa lagu go’aamiyay in gobollo kale oo Maraykan ah, Kanada iyo wadanka Ingriisku ay ka qayb qaataan howsha dugsiga. Dabcan qurbo joogta reer Xaadhadhan kuma koobna waqooyiga Amerika iyo wadanka Ingiriska oo aduunka oo dhan bay kala joogaan. Waxaase muhiim ah in la ogaado howsha laga damaanad qaaday waqooyiga America iyo Ingriiska waa mushahaarkii maclimiinta asaasiga ah kaliya. Howlihii ka tirada badnaa, haday noqon lahayd dhisid, dayactir, horumarin iyo waxbarshada sareba waa arin qabyo ah qurbo joogta Xaadhadhan oo dhana aan looga maarmin. Gabagabadu waxaa weeye, meel kasta oo aan joognoba haddii awoodi jirto aan is xilqaano oo ku dadaalno ka qayb qaadashadda horumarinta nolosha asaasiga ah ee Xaadhadhan.
Mahadsanidiin.
|
|
|
|
|
|
|