Bar Ama Baro Muhiimmadda Waxbarashada.

ACW.
     Salaantaa ka dib, marka hore waxaan idin xusuusinayaa, qodobka waxbarashada laguma soo koobi karo qormo keliya, laakiin muhiimadu waa baraarujin iyo muhiimada ay leedahay waxbarashadu oo aan inyar ka odhanayo halkan. Waxaan ognahay waxbarashadu inay tahay furaha horumarka iyadoo qofka waxbarta iyo ka aan wax baran kala qiimo badanyihiin, sidaas oo kale bulsho waliba waxaa horumarkeedu ku xidhan yahay hadba inta ay waxbarashadeedu le'eg tahay.
Waxaan ognahay Nebigeena SCW markii la soo diray wuxuu ka soo dhex baxay umad aan xadaarad iyo ilbaxnimo toona lahayn aqoona aan lahayn. Illaahay swt, quraankii ugu horeeyay ee nebiga loo soo dejiyaya waxaa lagu amray inuu akhriyo...
Aayad kale waxay ahayd "Ogow baro Illaah mooyee ilaah kale ma jiro" Illaahay wuxuu kale oo sheegay "ma siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwo aan waxba aqoon." Sidaa darteed waxaa la yidhaahdaa qofka wax yaqaan wuxuu la mid yahay geed qoyan oo midho leh, kan aan waxba aqoona wuxuu la mid yahay geed qalalan. Waxbarashadii laba ayeynu u kala qaadaynaa:

1. Mid aduun iyo akhirba ku anfacaysa.

2. Mid aduunka ku anfacaysa.

 Labadooduna waa isku xidhan yihiin. Tusaale:

Hadii qofku dhakhtar noqdo oo uu muslin yahay ,marka hore waa shaqadiisii uu aduunkiisa ku noolaanayey, ta xigta waa u ajar iyo xasanaad daaweynta uu daaweynayo dadka dhibaataysan, markaa laba faa'iido ayuu haystaa. Dabcan waxbarasho Aduunka ku anfacaysa iyo mid Aakhiro labaduba waa muhiim.


Taladaydu markaa waxaa weeye in aan dhamaanteen ku dadaalno waxbarashada. Dadaal dheeraad ahna ha la sameeyo sidii dhalaankana waxbarashada loogu boorin lahaa, ruug culusta lafteeduna is xilqaamaan. Waxaa xusid iyo amaanba mudan macaliimiinta heeganka u ah in ay jahliga ka saaraan dadkooda, iyadoo warbixintii ugu danbaysay ee uu Hassan Guhaad ka keenay waxbarashada xadhadhanka ay ahayd mid aad loogu farxo.  Markaa jahliga oo aynu ka xoraynaa waxay u baahan tahay dadaal iyo halgan dheeraad ah. Waxaa hambalyo mudan rag iyo dumarba qurba joogta reer Xaadhadhan ee u huray maalkooda iyo fikirkoodaba ee hirgeliyey inuu schoolka xadhadhanku noqdo mid maanta ku dayasho mudan.
waxaa amaan gaara mudan ODAY Axmed Jama (JENGELI)oo ahaa Asaasihii iyo dhisihii DUGSIGA XADHADHANKA.

 
Qolyahayagii xilka qaaday kulankeenii ugu dambeeyayna waxay u yara muuqataa in dabecsanaan ka muuqato, balse guushu maaha siday ku bilaabanto ee waa siday ku dhamaato, waan dadaali doonaa.

Mahadsanidiin


MATAAN OMER JAMA (BUDHYAR)

mataan_omer@excite.com