
Sidaan la wada socono caafimaadka aasaasiga ahi waa ka maqan yahay Xaadhadhan. Gabdho reer Xaadhadhan ah ayaa aad isugu mashquuliyay siday uga hirgelin lahaayeen Rugta Caafimaadka Hooyooyinka iyo Caruurta magaaladii Xaadhadhan. Xaruntaas caafimaad aad baa loogu baahan yahay, xirfadii iyo dadkii aqoonta u lahaana way joogaan Xaadhadhan, waxa kaliya oo dhiman waa is xilqaankeenii iyo ka midho dhalinteenii. Waa talaabada xigta tan Dugsiga Hoose Dhexe ee imika najaxay. Meel kasta oo aad joogtaan reer Xaadhadhanow loo kala hadhi maayo ee ha la diyaar garoobe.
Gar Gaar MCHC in Xaadhadhan
