06/04/08

Home
Schoo Info
Future Projects
Qurbo Joogta
Feed Back/Talo
submit posting

 

 

Hadaad ka adkaatay danta qoyska, tii degaan baa taagan!

                                                  

Halkan kala soco waxqabadka inoo yaala mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

THE MCHC PROJECT:

Mustaqbalka dhow waxaa ka mid ah aasaasida MCHC (mashruuca Caafimaadka Hooyooyinka iyo Caruurta) oo mudo aad u dheer ay gabdho reer Xaadhadhan ahi qorshaynayeen sidii uu u meel mari lahaa. Mashruucani wuxuu marayaa halkii ugu dhoweyd, faah faahin ku saabsan mashruucan ha laga war dhowro.

XAADHADHAN HIGH:

Caruur badan oo ka qalin jabisa dugsiga hoose dhexe fursad uma helaan inay aadaan dugsiga sare sababo badan awgeed. Dugsiga sare ee Buuhoodle oo aan qaadi karin dhamaan ardayda gobolka Cayn, dhaqaale xumo aan qoysas badani awoodin inay ardayda awgeed ugu guuraan meelo kale iyo duruufo kale oo jiraba waxay u muuqataa in magaalada Xaadhadhan ayna ka maarmin Dugsiga Sare. Arintaasina waan ognahay oo dowlad dhexe oo damaanad qaada weli wadankii kame jirto, cidda kaliya ee laga sugayaa waa hablaha iyo wiilasha reer Xaadhadhan ee qurbaha jooga. Fadhiga ha laga kaco.

TAX BREAK:

Waxaa kale oo qorshaysan sidii Xaadhadhan Schools looga dhigi lahaa urur 501(c) ah, (non profit) taas oo haddii la helo faaiidooyin dheeraad ah inoo saamaxaya. Faah Faahinta arintaas ha la dhowro!