Bayaan uu Soo Saaray Garaadka guud ee Garaadada. Garaad Jaamac Garaad
Cali.

BISMILLAAHI RAXMANI RAXIIM
KA: GARAD JAMA GARAD ALI.
21/10/2007
KU: CIDII AY KHUSAYSO.
Ujeedo: Baaq.
Kadib
markaan eegay xaalada colaadeed ee ka jirta gobolada Sool, Sanag iyo Cayn,
markaan u kuurgalay dareenka dadwaynaha iyo xiisada colaadeed ee ka aloosan
deegaamadaa. Muuqashada ay muuqato in uu bilaabmo dagaal lagu riiqmo oo dhiig
badani ku daato lagana yaabo inuu goboladan oo dhan ku fido.
Waxaan ku
baaqayaa Qodobadan:
1.
In ciidamada maamulka Somaliland ay ka baxaan gobolada SSCayn.
2.
In Maamulka Puntland ay joojiyaan abaabulka dagaal si loo badbaadiyo
dhiig daata.
3.
In Issimada iyo waxgaradku isugu yimaadaan magaalada Buuhoodle.
4.
In laqabto shir dagdaga oo dadyowga SSCayn ay aayahooda kaga tashadaan.
5.
In midnimada SSCayn ay muqadas tahay.
Wabilaahi
towfiiq
Garaad Jaamac
Garaad Cali