Hubsiimo Hal Baa La Siistaa:

 

Garaad Jaamac Garaad Cali

    Sidaan la wada socono waxaa beryahan soo batay shebekado (websites) ay Soomaalidu wax ku qorto oo sida qaalibka ah ay leeyihiin Shaqsiyaad. Shabakadahaasi waxay badanaa ka turjumaan fikrado shakhsiyaad ah, iyagoo aan kala saarin fikradaha iyo wararka saxda ah. Soomaalidu waxay quudataa wararka waana ummad aad u jecel hadalka la buun buuniyay beenba ha ahaado'e. Waxaana badanaaba caado u ah intay hadal maqlaan inay intaay turjumaan oo hadalkii asalka ahaa wax ka badalaan inay dib suuqa u galiyaan. Haddaad u fiirsataana, shabakadba shabakaday warkeedu ka diciifsan yahay waa laga jecel yahay, taasina waxay kuu cadeynaysaa in Soomaalidu ayna raadin warka kiisa saxdda ah, balse ay jecel yihiin midka la buun buuniyay iyo midka siday jecel yihiin loo sheegay. Shakhsiyaad badan oo wax ku qora shabakadaha Soomaaliyeedna, iyagoon eegin xuquuqda war baahinta iyo muhiimadda ay leedahay in warka loo soo tebiyo siduu yahay iyadoon turjumaad lagu darin ayay waxay soo bandhingaan fikrado iyagoo war ka dhigaya.

Maalin dhexdaas ah ayaan dhegaystay waraysi uu siiyay Garaad Jaamac Garaad Cali idaacad ka mid ah idaacadah Muqdisho. Waraysigaas ka dib ayaan ku arkay Shabakado Soomaaliyeed iyagoo leh, garaad Jaamac ayaa u yeedhay Xabashi oo Xabashi wadankii keenaya. Shabakadahaas oo hadalkaa ay qaloociyeen ka sokow aflagaado u gaystay Garaad Jaamac. Fadlan ila dhageyso Garaad Jaamac oo bal turjumaadiina qaata idinkoon war ka dhigan fikrado ay soo gudbiyeen shakhsiyaad leh dano gaar ah.

Mahadsanidiin

Xarbi, Abdi

dantaguud99@yahoo.com

 

Ku soo dir fikradahaaga: opinion@xaadhadhan.org

 

                                                ku Noqo Bogga Hore ee Xaadhadhan.org