Laas Caanood (DMC) Shirkii oday dhaqameedyadda SS&C ee beryahan shirku uga socday magaalada Boocame ayaa weli halkaa ka socda. Shirkaas oo saxaafadda loo diiday inay ka qayb gasho ayaa waxaa looga arinsanayaa midaynta fikirka reerka iyo sidii laga yeeli lahaa calooshooda u shaqaysatayaasha reerka ku abtirsadda ee u adeegga SNM ta kuna soo hogaamiyay cadawga maatadii iyo dadkooddii. Shirkaas oo ilaa hadda maraya meel aad u wanaagsan ayaa badi laysku afgartay wixii laysa la soo qaaday. Shirkaas markuu soo gaba gaboobo ee bayaan laga soo saaro ayaa waxaa lagu kala cadaynayaa fikrado qaldan oo ay fidiyeen cadawga reerka oo sheegaya in reerku ku kala qaybsan yahay aragtida guud.