Abwaan/Qoraa Mohamed Hiirad

Qofkii dunida joogaa,  jarmaadada aroortii
Hawl uu jeclaystuu,  jahadeeda aadaa
Qaar shar soo jillaabaa,  qaar kalena joojaan
kuwaa dambaa jannada gala,  kuwa kalena jahannama
 

Inaan weedhan jabaq iyo,  laaxin cidi ka jari karin
Jundi baaskan Iidooree,  jabadkeenna soo degey
Dadkeennii jaraayee,  qaarna lagu jirrabay qaxa
Qaarna jeel Mandheeraad,  jujuub loogu daabulay
 

Iyaguba majiidheen,  xuduud soo jireen ahe
Dar aan jiidh wadaagnoo,  jifi nala ahaabaa
Jidka soo marsiiyoo,  jaalkood ahaadaye
Jago doone Xaabsade iyo,  Fu’aad jalafsi raadsade
Iyo juhulo raacdoo,  jiibkooda daba galay
Jaad ay cunaan iyo,  waxay jugux ka siiyaan
Jidiinkooda mariyaan  jeebka loogu riday oo
Jillaafadan dhigaayoo,  ka jeclaystay aayaha
 

Jamaacadan ibliis wado,  jaad xunkaa is biirsaday
Haddii jiidha waaberi,  jilibka loogu dhigo talo
Madfac jibin sideedii,  jawdiisa laga boqo
Jahadooda loo rido oo,  lagu wada jajabiyoo
Markay jaha wareeraan,  rasaas lagu jarjaro oo
Dhallin yaro jidbaysani,  jahaad wada galaanoo
Dib u jeesad diiddaan,  jannaa dagan yidhaahdaan
In shaa allahu way jabi,  jaxiimana ha aadeen
Maydkooda jiifana,  sidii janannadii hore
Koofilkii jidhka caddaa,  gacmahaa la jariyoo
Midkii juuq yidhaahana, afkaa laga jifaynoo
Jibaadkooda baxayana,  jixinjix nooma gelaye e
 

Haddiise aan jawaab kulul,  jugtan maanta laga bixin
Jamac looga kicinoo,  jeesas loogu kala baxo
Reer Darwiishku kala jabo,  meel aad jirtaan iyo
Intaad dunida joogtaan,  gunnimaad jeclaateen
Jaasadiinu waa naar.  abidkiin ku jiraysaan


 
Jiilashaa dambeetana,  qaar timaha jara iyo
Mid jugleeyda daba iyo,  qaar jaama tola noqon
Gabdhuhuna mid jaas dheeshiyo, jaariyado way noqon

Abwaan Mohamed Hiirad

San Diego, CA