"One man's freedom fighter is another man's terrorist"

"Xalay Tv-ga waxaan ka daawanayay Laas-caanood ragga halkaa ka wada dagaalamayay ee muuqday waxay ahaayeen 90% waxay ahaayeen raggii SNM ayay ahaayeen oo aan maanta darajada lahayn, waxna lahayn, waxna ka muuqan oo sidii halgankii ugu jira laftoodii weeye mid qudha oo xidigi ku tolan tahayna maan arkaynin" By Silaanyo

Waxaa maanta looga dabaal degayaa Hargeisa maalintii SNM (MUjaahidiinta!) maalintaas oo ah October 17, 2007 turjumadda iyo muhiimadda maalintaa adigay kuu taalaa. Mid yar baanse ku darsanayaa. SNM mujaahidiin ninkay u yihiin bay u yihiin, nikii ay ku jihaadayeen ee dileen, guryihiisii dumiyee xoolihiisii dhaceen ayay hadana badbaadinayaan oo isaga qudhiisa iyo naftiisa ka badbaadinayaan waa arin maskaxdaydu turjimi kari wayday. Inta SNM ay mujaahid tahay, Somaliland iyo kal go' u uu geedi socodku yahay, walee inta geed soo wada fadhiisano ama beer raaxo isugu nimaadno qosol iyo marxabayn ku kala tegi mayno.

Siilaanyo oo gardaroolayaal iyo calooshooda u shaqaystayaal ku tilmaamaya Mujaahidiin ninkii aan SNM (Qoys)  ahayna ku tilmaamay kuwii lala dagaalamayay halkan ka akhri "waa waxa ay maanta kuwii la dagaalamayay u xukumayaan" By Silaanyo

 

Abdi Xarbi

dantaguud99@yahoo.com