
Jaale Fu'aad Adam Cadde "Wasiirka" Reer Baadiyaha ee "maamulka Hargaysa" Magac iyo jago midna laga miskiin maaha!!
Waxaa is waydiin leh, Wasiirka ugu magacaaban Hargaysa jagadaa muhiimka ah, maxay tahay shaqadiisu? Fu'aad qab qablayaasha horboodaya Hargaysa waa ninka dagaaladii ahliga ahaa si walba u taabteen. Waa ninka ku magacaaban wasaaradaa aan jirin, "the show about nothin" remember? waana ninka ugu afxun ragga kooraha ah.
Hadaba su'aasha is waydiinta lihi waxaa weeye, Fu'aadow Wasaaradda reer Baadiyaha ee Hargaysa ma waxaa lagu dhigaa aflagaadada hablaha reer SS&C? Sidii dhaqanka iyo caadada Soomaaliyeed ku jirtay, reer miyigeenu waa meesha loogu tago tix galinta iyo is qadarinta oo xumaan markii Soomaali magaalo tagtay baa inoogu horaysay markaa meesha Fu'aad iyo hadalkiisu matalayaan "wasaaraddii Reer Baadiyaha" maxaad ka sugaysaa ragga hor fahdhiya wasaaradaha la jecelyahay ee sida wasaaradda Reer magaalaha oo kale AKA "arimaha dibada"? Waxaan filayaa waan ognahay oo waxaa laga sugayaa waa hanjabaad u eg tii caruurtii Fay Cali iyo jardiinooyinkii Muqdisho oo kale iyo in Idaacadaha laga sheego Majeerteeniya badda ayan ku shubaynaa.
Fu'aadow, aan talo ku siiyee, hablahana caydaa ka daa adiguna kolay hadaad shaatiga iska uskagaynayso war nacalaa shaydaan ku yaale wasaarad meesha ka raadso. Haddii kale iska ahaw wasiirka reer Baadiyaha balse dhegta iyo dhaqanka reer Baadiyaha ilaali ileen hogaamiyaad u tahaye!!
Darwiish Dhuxul
USA
Fikradani waxay gaar u tahay qoraaga qoray. Daabicisteedu maaha in Xaadhadhan.org qabto fikradan. Haddi aad rabto inaad
gudbiso fikradaada ku soo dir halkan opinion@xaadhadhan.org
ku Noqo Bogga Hore ee Xaadhadhan.org