Boocame maxaa laga sugayaa?

Waxaa loo balansanyahay in magaaladda Boocame uu ka dhaco shir ay isugu imanayaan Garaadada, Boqorada, Suldaanada, Ugaasyada, iyo wax garad kale oo ku abtirsada beesha Siciid Harti. Waxaa halkaa ku shiraya hogaamiyeyaasha kaliya ee waxtarka ah ee reer SS&C ay maanta leeyihiin maadaama madaxdii reerka ee Puntland joogtayna ay kaalintoodii ka soo bixi wayday qolyo kale oo ahaa huubadii reerka ee dowladii hore ee Soomaaliyeed ka dhigtay waxayna ahayn markay raganimo xumadooda awgeed reerku wax u dirsan waayay ay aadeen dhinca SNM oo is yidhaahdeen reerka SNM dowlad uga dhiga.

Shirkaas oo looga arinsanayo xaaladda adag ee soo wajahday reerka ayaa dadwaynuhu su'aalo badan iska weydiinayaan waxyaabaha ka soo bixi kara. Fikradaha dadku qabo ayaa kala duwan, iyadoo dadka qaar ay aaminsanyihiin in xiligan ayna ahayn wakhtigii shir la qaban lahaa ee horta xoraynta dhulkii SS&C ay waajib tahay in lagu dhaqaaqo marka taa la hanto ka bacdina ay muhiim tahay in reerku uu yeesho shirweyne balaadhan oo looga hadlayo xaaladda reerka guud ahaan. Fikir kale ayaa qaba, in reerku uu sii kala yar jeedo oo fikirku kala yara duwan yahay markaa intaan dagaal loo dhan yahay aan la gelin bal horta in reerku wada fadhiisto oo layska saaro mugdi yar oo aad moodo in reerka uu ku kala dhex jiro. Qolada fekerka hore qabta ayaa aaminsan in mugdi kasta oo jira ay ka muhiimsantahay sharafta iyo midnimadda reerku xiligan adag oo reerkuna uu awoodo isagoo dhexdiisa fekerku kala duwanyahay in haddana danta guud ee reerka loo midoobo haddii xaalad khasabta ay keento xaaladaas oo muuqata inay hadda joogto. Qolada kale ayaa ka wer wersan in haddii aan fikirka iyo majaraha la midayn in cududda in la mideeyaana ay adkaan karto.

Sida ay xaaladu u muuqato ayaa waxay u egtahay, in iyadoo aan la inkiri karin in fakirka lagu kala duwan yahay, hadana waxaa cad in qof kasta iyo qoys kasta uu diyaar u yahay inuu ka hormariyo danta guud oo uu sugo wada hadal balaadhan oo reerku yeesho mar ay xor ka yihiin ciidamo shisheeye oo fadhiya magaaladdii reerka looga talin jiray. Hadaba iyadoo taa la ogsoon yahay ayaa waxaa looga fadhiyaa waxgaradka iyo hogaamiyayaasha ku shiraya magaalada Boocame inay fursadan uga faaiidaystaan midnimadda reerka oo ku midoobaan hal cod una soo gudbiyaan reerka ay hogaamiyaan cod midaysan oo lagu dhaqan galo.
Codkaa midaysani wuxuu sahlayaa in calooshooda u shaqaystayaasha SNMta kooraha u ah meel looga soo wada jeesto oo cod iyo ficil midaysan lagu waajaho SNM iyo beelaha ay ku abtirsadaana ay colaad ay ku gardaran yihiin iyo nabad lagu wada noolaado ay kala doortaan.

Taas ayaan u fadhinaa idiinkuna ducaynaynaa. GUUL BOOCAME GUUL

Abdi Xarbi

dantaguud99@yahoo.com

 Fikradani waxay gaar u tahay qoraaga qoray. Daabicisteedu maaha in Xaadhadhan.org qabto fikradan. Haddi aad rabto inaad gudbiso fikradaada ku soo dir halkan opinion@xaadhadhan.org