Faqash, iyo macnahiisa oo muran iyo is qab qabsi ka taagan yahay Hargeisa.

 

Sida dad badani ogyihiin, erayga faqash waxaa isticmaalkiisu bilawday xiligii qabiiladda Soomaaliyeed ay bilaabeen in ay Qabiil ku dumiyaan dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Qabiiladaas oo sida badan marka baananka la joogana ka dhigi jiray ururadooda mid siyaasad ku dhisan oo maamul ka soo horjeeda, marka iyaga dhexdooda ay tahayna isku baraarujin jiray xamaasad qabiil. Erayga Faqash oo Waqooyiga Soomaaliya isticmaalkiisu ka bilawday, ayaa waxaa lagu odhan jiray oo lagu bilaabay ciidamaddii Xooga dalka Soomaaliyeed. Mudo yar ka dib, markii ururkii SNM uu arintiisii hoose iyo xeer hoosaadkiisii uu soo shaaciyay, gaadhsiiyayna dadwaynihii ayaa dadwaynihii waxay ogaadeen in arintu ay maamul diid ka wayn tahay oo qabiil diid ay tahay. Xilligaas ayaa isticmaalkii Faqash laga bedelay in loo isticmaalo askartii oo loo bedelay in loo isticmaalo qabiil ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed. Waxaa ka dhacday Hargeisa arin qosol leh, oo nin ka mid ahaan jiray dawladdii dhexe ee Soomaaliya, una shaqayn jiray ilaa iyo maalintii ay ururadii qabiiliga ahaa ay bur buriyeen wadanka, balse dhalasho ahaan ka soo jeeda goboladda waqooyi, uu ugu yeedho FAQASH nin mucaarad ku ahaa dawladii Soomaaliyeed balse qabiilkiisa oo ah reer Laas Caanood awgeed ayuu ku xidhiidhiyay dawladdii Soomaaliyeed!

Erayga Faqash; ayay u muuqataa in mar kale uu macnihiisii is badalay oo reer Hargeisa ay si kale u isticmaalaan. Waxaa ka dhacday magaalada Hargeisa beri dhawayd, in wiilal kubadda ciyaara ay ka yimaadeen magaaladda Boorame ee gobolka Awdal. Wiilashaas oo ka badiyay wiilal kale oo reer Hargeisa iska soo xuleen si ay ula tar tamaan wiilashan reer Boorame. Hase ahaate, wiilashii reer Boorame ayaa muujiyay ciyaar wanaag iyo adaab aad u wanaagsan si xarago lehna uga badiyay xulkii reer Hargaisa.  Ciyaar wanaagii iyo xirfadii wiilashii reer Boorame kuma mutaysan amaan iyo sacabe waxay ku mutaysteen aflagaado, cay, iyo in xitaa qaar ka mid ah dhaawacyo loogu gaysto garoonkii. Waxaa ka mid ahaa erayadii lagu caayay wiilashaa, erayga Faqash. Sababta eraygaa loogu isticmaalay wiilashaa kubadda u yimid ayaa dad badan ka yaabisay. Balse waxay u muuqataa, qolyahan reer Hargeisa ninkii xafiis fadhiista ee aanay abtirsiiyo isugu imanba in ay Faqash ugu yeedhaan.  Hadaba waxay ila tahay oo ay u muuqataa, haddi macnahan cusub ee erayga Faqash aynu tix raacno, Faqash ayaa amartay mujaahidiintii SNM inay weerarto oo qabsato Faqashta Laas Caanood. Marka Faqashta Laas Caanood la soo xero galiyana Faqashta amarka bixisay way iska tegaysaa oo mujaahidiintii baa gadh wadeen noqonaysa. Markaas ayaa godkii Faqash la qodayaa laguna aasayaa once and for all!!.

Darwiish Dhuxul

USA

 Dhulkahante@yahoo.com

 

Fikradani waxay gaar u tahay qoraaga qoray. Daabicisteedu maaha in Xaadhadhan.org qabto fikradan. Haddi aad rabto inaad

gudbiso fikradaada ku soo dir halkan opinion@xaadhadhan.org