Fu’aadoow Waa Maxay Dhaartu? Nin Daad Qaaday Xumbo Cuskay, Ma dhaar baad maciinsatay?
 
Fuaadoow dhaar baa kaa soo hadhay, sababta dhaarta kugu kaliftayna waxaa weeye, Soomaalida sida caadada u ah, marka waxay sheegayaan ay ogyihiin inay runta ka fogtahay ama dadku uga qaadanayn run, ayay dhaar ku xoojiyaan. Balse aan kula taliya’e, adigu dhaarta denbigeeda iska taa, dhaar iyo dhaar la’aanba cidi ku rumaysan mayso oo kaa dhagaysan mayso fariintan laguu soo dhiibaye.
 
Been baad ku dhaaratay: Tan Koowaad:
 Waxaad amaan ayna mutaysan aad huwisay Ciidamo beeleedka SNM, oo aad ku sheegtay CIIDAMADII UGU WANAAGSANAA? Waa kuwee ciidamadda aad la bar bar dhigaysaa oo aad uga qiyaas qaadanaysid? Siilaanyo ayaa yidhi “..ciidamadda qabsaday LA 90% waa ciidamadii SNM ee hore oo weli Jihaadkii sidii u wada” Hadaba waa su’aale dagaalkani Jihaad buu u ahaa reer SNM ee adiguna ma ku raacsan tahay? 
 
Haddii 90% ay yihiin SNM tii hore sida Siilaanyo inoo sheegay, waa kuwii walaalkaa, inaadeerkaa, wiilkaad adeerka u ahayd iyo raaskaaga iyadoon dagaal laysu hor fadhiyin ku xasuuqay maalin ciideede, weli ma ku taageersantahay inay yihiin Mujaahidiin iyo CIIDAMADII UGU WANAAGSANAA ee aad aragtay?
 
Tan Labaad:
Laas Caanood laguguma soo dhawayn ee dhagax baa lagaaga saaray. Nimankii aad gurigii hooyadaa ku dumisay ee ku soo isticmaalay ayaad gurigii aabahaa magan ugu noqotay. Magaalo waad u dhalatay micnaheedu maaha sidaad rabtid baad ka yeeli kartaa. Waa taas oo magaaladaadii ayaa SNM waardiye kaaga tahay, kii kula dhashay baa SNM kaa ilaalinaysaa.  
 
Tan Saddexaad.
“Ma garanayo wadan hayb ku dhisan” Waa odhaahdaadii. Waa run marka laga reebo qolyaha adiga   ku isticmaalaya oo hayb wadan ku raba. Hadaadse Puntland u jeedo, Puntland wadan maaha, waa maamul ay samaysteen dad wada dhashay oo ku sugaya dawlad Soomaaliyeed. Weli lagama maqal inay yihiin wadan gaar ah laakiin waxay weli ku faanaan Soomaalinimadooda. In dad wada dhashay ay maamul wada samaystaana waxaa kalifay xaaladda wadanku galay markii lawaayay dawlad dhexe oo Soomaaliyeed.  SNM ba maamul qabiil ku dhisan bay dhisteen, Ma maamulkiibii Dawlad kuula dhadhamay?
 
JaamacKediye ayaa yidhi: “Soomaali Baan ahay Runta Kama Sinaysto’e” Hadaad weli Soomaalinimadii kugu sii hadhay runta sheeg. Su’aashayduna waxaa weeye, Bilaa Caleyk, goormay kugu dhalatay fikradan Soomaali Diidnimadu,? Mise aaminaad maahee waa “Personal Convenience”? Fadlan ka jawaab, dhaarna waxba ha ku xoojin.

 

Darwiish Dhuxul

USA

 Dhulkahante@yahoo.com

 

Fikradani waxay gaar u tahay qoraaga qoray. Daabicisteedu maaha in Xaadhadhan.org qabto fikradan. Haddi aad rabto inaad

gudbiso fikradaada ku soo dir halkan opinion@xaadhadhan.org