WALEE TOLOW KASHMIIR BAA XIGI!!

Salaamad.

Qoraal badan tani uma baahna. Waxaa ka dhacay dhulkii Daraawiisheed waa arin afkala qaad igu reebtay. Sandareero ku nooshu meel kasta waa joogtaa wayna joogi jirtay, balse qolyaheena madiidiga ahi xaalad aad u qalafsan ayay inoo horseedeen. Nin madiidina ahina, wax inama yeeleen haddii aan loo qiil samayn. Marar aad u badana waan arkay dad u qiil samaynaya raggaa madiidinka ah, ama raas ha ugu qiil sameeyo ama arin siyaasadeed oo aan qoto dheerayn ha ugu qiil sameeya'e. Raggan madiidinka ahi waxaad ogaataan kuma socdaan waxay aaminsanyihiin iyo fikrad qoto dheer oo iyaga ka soo maaxday, balse jeebka inta loo soo buuxiyay ayaa loo soo laqimay waxay odhan lahaaayeen iyo meeshay wax ka bilaabi lahaayeen. Haddii xaaladaas is bedesho oo tuunbadaa sandareerada ahi kala joogsato, beri weji kale ayaad ugu imanaysaa. Hadaba, maadaama taasi taas tahay, waxa baaqiga ah ee waarayaa waa fikardda dadka SS&C ay qabaan. Fikradaas oo ah fikraddii garaadka garaadadda (Alle ha u gar gaara'e) uu shaaciyay, ee ahayd in reer SS&C ayna weligood gumeysi raali ka noqon, mar xoog lagu qabsaday oo ciidankoodii (Daraawiish) la jebiyayna ayna sharciyaynayn gumeysigii iyo raadkiisii xumaa midna.

Hadaba, inagoo go'aankeenu uu sidaa u cad yahay, In ka yar 1% oo reer Daraawiisheed ma sandulayn karaan 99%ka kale. Balse waxaa inoo taal hawl iyo go'aan qaadasho dhab ah. Ma nin Sandareero ku nool ah baynu u baylihinaa danta guud ee SS&C,mise go'aanka reerka badidiisu qabaan ayaa inoo xeer ah oo aynu ku dhaqanaa? Ma raggan gadhwadeenka laga soo dhigtay ayaa arinta reerku ka go'daa mise arintu reerka ayaa iska leh iyaguna go'aanka reerka ayay u hogaansamayaan? Haddiise taa la waayo oo go'aanka reerka ay u hogaansami waayaan, xalku waa maxay? Abaal marintooduna waa maxay? Dad aad u badan oo wax ay galabsadeen ayna jirin, ayaa intaa guryahoodii loogu yimid lagu laayay. Rag badan oo reer SS&C ayaa intaa magaaladdii ay ku dhasheen loogu yimid oo la qab qabtay ayaa Burco loo dhaadhiciyay oo lagu sheegay inay yihiin MAXAABIIS DAGAAL! Maxaa Burco loo geeyay oo Laas Caanood (LA) loogu hayn waayay maxaabiistaas? Ogaada, reer SS&C hadaad maanta qori sidatid oo aad joogto LA waxaad halis u tahay inaad noqoto maxbuus dagaal, oo iyadoo indhahaagu shan yihiin qolyihii maddiidinka ahaana ku daawanayaan ayaa Burco laguu dhaadhicinayaa!! ragga tacadigii iyo maato kicintaa ka danbeeyayna magac ayay inala sheegaynayaan inkastoo Waraabe uu macalinkooda yahay amarkana isaga ka soo qaataan.

Hadaba, dhibta laga bixi maayo oo sidaas ayaa rag fulinaya go'aamo shisheeye maatadeena u bara kicinayaan oo inoo ked kedayaan haddii aynaan go'aan deg deg ah ka qaadan. Haddii aan dib ugu noqdo su'aashaydii hore, beesha SS&C waxaan u soo bandhigayaa, ninkii ku tunta danta guud ee reerka, abaal marintiisu waa maxay? Go'aanka reerku ma sandareero ku noolkuu raacayaa, mise go'aanka reerka ayaa cid waliba raacaysaa? Taas haddii aan si wacan looga jawaabin oo jawaabteedana aan la'isla garan sida ugu dhakhsaha badan walee TOLOW KASHMIIR BAA XIGI!!

 

Abdi Xarbi

dantaguud99@yahoo.com