|
Gabooye Minority Organisation Europe and
North America
Head Office London U.K,
www.gabooye.org
13-06-2008
GABOOYOOW HALKANI WAA HARGEYSEE HOO BARIISKA!!
Waxaynu ognahay marka
qofka bini aadmiga ahi gaangaadho ama uu ilaa 18 jir gaadho inuu xumaanta
iyo samaanta uu kala garto hadaanu waalneyn. Haddaba Soomaliland oo sideed
iyo toban jirsatay ayaa waxaanu eegeyney in ay Dulmiga, Cunsuriyadda,
Dilka, Dhaca, Cadaalad la'aanta, Mag la'anta iyo Baro kacinta ay ka
waantoowdo ama ka korto, waxaase wax laga xumaado ah in ay intaas aan soo
sheegayba sii kordheen oo maalin walbana dulmigii uu sii badanayo.
Beesha Gabooye ee maanta ku nool Hargeysa iyo dhibaatada haysata waxay la
mid tahay dhibaatada lagu hayo dadka ku nool Falastiin iyo Daarfuur.
Iyadoo dhammaan magaalada Hargeysa lagu bahdilo Dadka Gabooyaha ayaa
meelaha ugu daran waxaa ka mid ah Xaafada Daloodho. Dadka Xaafadan degan
ayaa askartu u isticmaalaan inay ku shiish bartaan oo hadalkaba aaney u
quudhin inay toogtaan mooyee. Waxaa kaloo intaas u dheer inay askartu
guryaha u dhacdo oo ay haweenka ka qaadato lacag baad ah. Markii ay
Askartu Marqaanto ama Dubaabku galo ama uu qaadku ku badhgo’o waxaa sidii
lo’ haraad badan haysa ay u soo dareeraan Xaafadaas iyagoo ku sii
balaamaya inay dadka Xaafadaas degan aaney la hadlin ee ay Tareesada u
badiyaan si wixii ay hayaan looga daadsado.
 | Waxaa dhacday Bishii
Janaayo 2008 in wiil la yiraahdo Cabdi-casiis Xariir Muuse oo
jooga aroos ay ku lahayeen Xaafada Daami ay Islaweyntu qashqasheeyn.
Markii Askartii timid ayay rasaas ku fureen dadkii arooska lahaa
waxaana ay rasaastii ku dhacday Cabdi-casiis oo lagaga cararay isagoo
goobtii aroosku ka dhacayey yaala. |
 | Waxaa dhacday Bishii
Abriil 4-dii Xaafada Daloodho ee lagu xasuuqo Gabooyaha ayaa waxay
Askarta dhiigyacabka ahi ka soo horbaxeen Wiil Gabooye ah oo magaciisa
la yiraahdo Khadar Cabdi Libaax waxayna rasaar kaga dhufteen
Xiniinyaha dushiisa iyo Bowdada kadibna Wiilkii oo dhaawac ah ayaa
dhkhtarka loola cararay. Askartii ayaa waxay Reerkii wiilka dhalay u
geeyeen badhigooyo, laakiin dhoowr beri kadib ayaa waxaa Wiilkii iyo 4
wiil oo kale oo Gabooye ah lagu soo oogay inay Askarta Somaliland
sharftoodii meel uga dhaceen kadib markii ay damacsanaayeen inay
hareereeyaan oo dhibaato u geystaan. Wiilkii oo dhaawac ah ayaa xabsiga
la dhigay waxaana laga daba keenay 4-tii wiil ee kale iyadoo lagu
qarinayo dhibaatadii ay Askartu geysteen si denbiga wiilasha loogu rogo.
Waxaa loo diiday Wiilasha inay Damiin kusoo baxaan kaasoo ahaa amar
kasoo baxay Qaadiga. Wiilka dhaawaca ah iyo kuwa kale ayaa ilaa iyo
haatan lagasoo wareejin Xabsigii Xaafada Daloodho. Maalinba inta
maxkamada la keeno ayaa dib loogu celiyaa xabsiga iyadoo marmarsiinyo
laga dhiganayo in waraaqaha iyo cadeymaha lagu soo eedeeyey wiilasha ay
kala dhiman yihiin. Wiilashan ayaa waxay xiran yihiin ilaa 2 bilood
iyagoo denbiga ay galeen ee keliya uu yahay inay Gabooye yihiin kuna
nool yihiin Magaalada Hargeysa. Magacyada 4-ta wiil ee kale waxay kala
yihiin:- |
- Khadar Cabdi Bashiir
- Haliil Abiib
- Khadar Awl
- Mustafe Rashid Cabdi
 | Waxaa dhacday
Bishii May 8-dii in Askar baabuur saaran ay soo galeen Xaafada
Daami kadibna ay si bareer ah rasaar ugu fureen dadkii shacabka ahaa.
Waxaa rasaastaas ku dhaawacmay wiilka la yiraahdo Cabdi Maxamed
Ciid iyadoo ilaa iyo haatan aaney jirin cid ka hadashay ama
isweydiisay. |
 | Waxaa dhacday
isla bishaas in nin 30 jir ah oo ka dhashay Beelahan Isla Weynta
ah uu 2 Tooriyadood ku kala jeexay Wiil Gabooye ah oo isla bartiina ay
naftu kaga haaday. Cid isweydiisay ama ka danqatay ama loo qabtayna
aaney jirin. |
Dhibaatooyinkan aan la soo koobi Karin iyo kuwo kasii xunxun ayaa lagula
kacaa Beesha Gabooye ee ku nool Magaalada Hargeysa. Hanjabaad joogta ah
iyo Bahdil joogta ah ayay Askartu ku hayaan Shicibkan aan hubeysneyn ee
nabada jecel. Waxaa arrimahan oo dhan ka danbeeya Wasiir ku xigeenka
Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Mr. Yusuf Ciise Talaabo oo
isagu amaro ku bixiya in Beeshan cadaadis la saaro si ay ama uga guuraan
Magaalada Hargeysa ama aaney usoo faragashan Siyaasadda Somaliland. Waagii
hore waxaa xasuuqa Gabooyaha u qaabilsanaa Mr. Ismail Faqash iyo Mr.
Cige oo kala ahaa Wasiirka arimaha Gudaha iyo Ka Booliska sida ay u
kala horeeyaan, laakiin haatan si loo muujiyo in Somaliland cadaalad iyo
Xuquuqul insaan ka jiro ayaa waxaa Xasuuqa Gabooyaha lagu wareejiyey Mr.
Talaabo oo isagu sheegta inuu hogaamiyo Wasaarada Cadaalada iyo Diinta.
Waxaanu u sheegeynaa Mr.
Talaabo in il gaar ah aynu ku hayno Cadaalad xumada iyo waxyaabaha aan
Diinta waafaqsaneyn ee uu kula kacayo Beesha Gabooye ee ku dhaqan
Somaliland. Waxaanu la yaabanahay Darajada iyo Magaca Wasaarada uu ku
magacaaban yahay iyo sida ay u khilaafsan tahay waxyaabaha uu sameynayo.
CADAALADA IYO DIINTA UU Mr. TALAABO U ADEEGO
MA TAASAA!
Mr. Naasir Moxammed
Ciise
Gudomiyaha Belaha
Gabooye ee Q/Yurub iyo W/America
Gabooye.org99@hotmail.co.uk
|