Cadde Muuse madaalay mise, nin weyni wadkii waa yaqaan?

 

 

Madex waynahay dowlad goboleedka Puntlaand ayaa maanta ka hadlay

arimo badan o khuseeya Puntland iyo xaalka ay maanta ku sugan tahay.

Waxyaabihii uu ka hadlay Cadde Muuse ayaa waxaa ka mid ahayd in

Cadde uuna dib ugu tartamayn xilka uu maanta hayo ee ah hogaaminta

dowlad goboleedka Puntland. Cadde ayaa sheegay in marka xilku ka

dhamaado ee Janaayo 8, 2009 uu xilka ka degayo una tartamayn

mar kale isagoo yidhi waan daalay oo waan iska nasanayaa.

 

Su'aasha meesha taala ayaa waxay tahay, Cadde ma run baa oo wuu

daalay, mise nin weyni wedkii waa yaqaanaaye, wuxuu dareemay

rajada laga qabo in dib loogu doorto jagadda uu hayay, oo mudadii uu

xilka maamul goboleedkaasi uu hayay dib u dhac weyni ku dhacay?

 

Maamulka Cadde waxaa lagu xusuusan doonaa,  musuq maasuq ay sabab

u yihiin dhamaan nimanka maamulka la daadihiya ha ugu darnaadeen isaga

iyo ninka ku xigeenka u ah ee Afqudhac, iyo wasiiradiisa oo aan ahayn kuwo

ama aan awood madax banaani lahayn, ama u jooga sidii aay naftooda uga

qancin lahaayeen xilalka ay hayaan. Waxaa kale oo maamulka Cadde ku

caan baxay daabicista lacagta beenta ah, taas oo uu u soo iibsaday makiinado

u sameeya lacagtaa. Waxaa kale oo wax qabadkiisii ka mid ah, awood dari

iyo maamul xumo sababtay in magaaladda Laas Caanood ay u gacan gasho

maamulka Soomaali diidka ah ee Hargaysa iyo wax ka qabad la'aantiisii

qabsashadda ka dib. Waxaa kaloo lagu xusuusan doonaa, fool xumaddii

beryihii ugu danbaysay ka dhacday Gaal Kacyo ee ahayd in dad Soomaali

ah loo gacan geliyo taliska Xabashida, si loogu tartamo raali galinta Meles

oo tartan dhex dhigay maamuladda Puntland iyo Somaliland taas oo uu ku

 tijaabinayo daacadnimadda ay maamuladaasi u hayaan Meles.

 

Arinta kale ee Cadde lagu xusuusan doonaa waxaa ka mid ah, amaankii

Puntland oo gebi ahaanba gacanta ka baxay. Puntland oo noqotay meel

uu ka taliyo ninkii markaa qori haysta iyo Cadde oo aan ku dadaalin

haba yaraatee wax ka qabadka amaanka maamul goboleedkaa.

Cadde, waxaa imika u hadhay muddo todoba bilood ah, su'aasha meesha

taalaa waxaa weeye, Cadde muxuu qaban karaa mudadaa u hadhay si

uu u badbaadiyo taariikhda maamulka uu madaxda ka yahay? Way adag

tahay, in Cadde Muuse uu ku dhaqaaqo arin muhiim ah oo wax weyn ka

bedesha hab dhaqanka habacsan ee Puntland maanta ka jira, waxayna u

muuqataa inuu ku qanacsan yahay in maamulka uu ka dego iyadoo

Puntland ay dhaawac tahay balse ayna weli dhiig bixin, marka uu kursiga

ka boodana waxay u muuqataa wixii ka gadaal dhaca, inuu Cadde rabo

inuu yidhaahod "beri baan ka ahay." Hadaba, iyadoo rag badani ay u tafa

xaydanayaan hogaaminta Puntland, ayaa su'aasha meesha taalaa ay tahay

Puntland ma ka bad baadi doontaa dhaawaca halista ah ee Cadde iyo

Afqudhac ay u geysteen, mise waxay noqon doontaa mid aan ka soo

kaban khalkhalkaa galay oo dib ugu noqota jaah wareer iyo is qab qabsi kale?

 Helista jawaabtaasi waxaa inagga xiga mudo ka yar todoba bilood!!

 

Abdi Xarbi

dantaguud99@yahoo.com