Ha’i Dagine Khaawiyow Dantaa Hadal

Anigoo ku hadlaya magaca guutada koowaad dhamaan waad salaamantihiin reer SS&C meeshaad joogtaanba.

Waxaan jeclaa in aan idinla wadaago dhambaal uu Khaawi ku soo bandhigay Ceegaag oo aanu cilinkiisa saari waynay.

Wuxuu yidhi waxyaabo badan oo aan macno wayn noo samayn . Waxaase noogula yaab badnayd. Markuu yidhi Somaliland baynu nahay!!!!.

Taasi waxay noola muuqatay in odayga wax wayni ka si yihiin .

Su’aashuna waxay tahay, Somaliland intee in le’eg bay jirtay?

Hadii aan is ku dayo in aan qeexo sida magacani noola muuqdo, Magacani wuxuu baxay markii laba nin oo Yurubiyan ahi dhulkeena qaybsanayeen. Si aanay iyagu isugu dhicin ayay dhulkeena waqooyi ula baxeen British Somaliland.

Haseyeeshee, markii uu Ingriis guuray ee Talyaani guuray magacyadoodii dab xeerta u ahaa way raaceen. Dhulkuna wuxuu ku soo noqday sidii uu horre u ahaanjiray: Somalida Waqooyi iyo Somalida Konfureed.

Hadase, waxay howli katimi markii koox yar oo ka mida Somalida Waqooyi, weligeedna lagu xamanjiray inay Ingriiska u dhuundaloosho ay ka samri waayeen magacii gumaystaha ee British Somaliland. Iyagoo kana maagaya inay hadhkaa galay Ingriis isugu yeedhaan. Runtu sida ay tahayna, way isugu yeedhi lahaayeen ee way u muuqan wayday meel ay British ka soo geliyaan magaca dhulka Somaliyeed.

Ugudambaystii , waxay ka fursan wayday inay isugu yeedhaan Somaliland. Bal inaba, in magaa English ka ahi  British ka ku dhaweeyo.

Waxaase aanay xisaabta ku darin magacani marka la turjumo waa dhul Soomaaliyeed. Gayigeenoo dhamina waa wada dhul Soomaaliyeed. Wixii u kala sumad duwayay waxay ahayd magaca gumaystuhu ku ladhayay ee British iyo Itlian. Hadiise, ay ay door bideen Somaliland oo suko ah. Dee, waxba kuuma suntana waayo dhulku waa wada dhul Somaliyeed. Magaca ood English ku tidhi kuu weel duwi mayo oo kala sooci mayo labada deegaan. Markaa Khaawi iyo qolyaha uu noo sakhirayaa ha isku dayeen sidii ay gooni ugu suntami lahaydeen iyakoon cuskan English.

Hadaan usoo noqdo ta Khaawi, waxay u egtahay in Dirta Waqooyi istidhi weel duwada. Haseyeeshee, maga oo English loogu yeedhay u weel duwi mayo. Khaawina wuu ku khaldan yahay in uu nayidhaahdo Somaliland baad tihiin , sababtoo ah ma nihin. Hadii uu leeyahay Reer Waqooyibaynu isla nahay ,oo Deegaan baynu wadaagnaa ama British baa ina wada gumaystay waa mid meesha ku jirta. Laakiin hooyooyinkeen baa lawda qabijiray Khaawiyoow laguma walaaloobo. Nin habowsan oo aan sixi karin magaciisa inaynu daba humbaalayno dani inooguma jirto ee Jooji majara habaabinta.

Ta kasii yaabka badani waxay hayd marku yidhi Somaliland la aqbali mayo iyadoon aan ogolaansho la idinka helin. Taas waxaanu kaa nidhi nin hurdaa toosiyey, Dhulbahante intii sa saafiga ah iyo Warsangeliba waa ogaayene Khaawi goormuu ogaaday?. Sowkii shay-galab Riyaale u sii gur-guuranayay muu intaas naftiisa u sheego. Mise markay Riyaale ka ribatay buu is yidhi toobada beegso. (Khawi toobada lama aqbalo markay digta kaaga wareegayso) Waana lala wada socdaa in wata raqi idinku dhacday.

Intaasoo dhan, waxaa nagaga sii ciil badanaatay markuu Khaawi Beel waynta Dhulbahante u qaybiyay sidii dumar la qabo ( Minwayn, Minyaro, Dumaal iyo Naakirad). Horta Khaawiyoow, cayi ninkeed bay ku taal. Dhulbahantana Allahiis baa ka korshay dumar la qabo. Waxaanse jeclaan lahaa hadii ay kuula ekaatay inaad tolkeen ka dhigto afooyin la qabo. Maxaad wuxuun uga odhan wayday raga caydu waajibka ku noqotay ee dhaleecoobay, sida dhuuni qaatayaasha dhulkeena dhiibay iyo laba wejilayaasha Dirta Waqooyi u dhukusa?.. Khawi haduu tolkeen afooyin kula ekaaday ragaasina waa jidhkood-gadato khayrkood u foorarsaday. Waanad ogtahoo inta dhukusta adigaa u budh tuura. Markaa ogoow, hadii ceebi qolo ku taal, dadka uma qaybsana ee raga dusa ayay ceebi sugnaatay.

Ragiina dhukusaa meel xun baad dhulbahante dhigteene, Allahiis baase u hiishay. Markii tii Riyaale iyo Dirta Waqooyi socon wayday inaad Dhulbahante u baaqdaa waa kuu dhoyli’i. Dhulbahante ku baray dib dambana harag shabeel ugu huwan mayside Aashaa hadal. Hana isku kaaya qorin manta , shalayba nagama aanad mid ahayn markii ruug-caddaaga Dhubahante boodhadhka siteen ee mudaharaadayeen, Sida Muddane Mohamed Abdi Haashi iyo guurtidii uu hogaaminayey, xagaad jirtay? Khawi waadigii dhukusuyee Dirta kabaha daba sidaye hadmaad Dhulbahante noqotay ood noo soo dhambaal diri?. Ninbaa hore ugu heesay “ Sacbka hayla garanwaydo, oo heelada haga kala goysee, ku gadaan-gadkaw daran”. Khaawi dhambaalkaaga maata ahi waa raad gadasho Allahse wuxuu ku sahlay hadii aan geed ku qariyaaba dhulka ku hadhin.

Toolmoon H.H.Qodax

Toolmoonqodax@hotmail.com