WADAADKA MAYD LA DIRIRKA AH MA LA WAAYEY MID U QALMA?

 

Dunidu waa ka siman tahay inay dadkeeda, ciideeda iyo calankeeda difaacato oo ku faanto. Waxay kaloo ka siman tahay inay qiimo u yeesho dadkooda oo xataa ay qaarkood ka sara mariyeen qiimaha dadyoowga kale ee caalamka. Tusaale wanaagsan waxaa noogu filan Wadanka Mareykanka oo Dhalashiida iyo Dadkiisuba ay tixgeliyaan dunida oo dhan. Haddii Wanadkaas ama kuwa la midka ah uu qofku ka wato warqad yar oonba sidaa usii buurneyn oo tilmaameysa inuu wax ka soo bawsadayna warkeedaba daa.

 

Mara dadka sidaa loo qiimeeyo iyaguna waxay garab istaagayaan dowladooda oo aysan u ogolayn inay marna dhinac u liicdo. Haddaba Soomaalida oo waa hore cuntay Dawladoodii oo xataa lafaheedii ruugtay mid kastoo dhalatana aan nefisba siineyn ayaa maanta dadkii u dhashay ay meel walba ku dayacan yihiin. Waxaase is daba qabasho muujiyey kuwii caqliga ka shaqeeyey ee sameystay Maamulo ay ugu adeegaan hanbada ka hadhay dadka. Maamuladaa oo ay ugu caansan yihiin Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa sameystay Beelo dega Deegaanada ay ka booban yihiin labadaas Maamul.

 

Waxaase jirta Beel iyadu doonaysa inay sadbursi iyo xoog ku muquuniso Beel kale oo Rabitinaaka Shacabkeedu uu jecel yahay inay Beelaha ay isku jifada yihiin wax la qaybsato. Beeshan iyadu isu aragta inay Dowlad tahay oo Ingriiskii uu kula dardaarmay inay xadka soo xidho ayaa waxay qalalaase iyo buuq ka dhex biloowday Deegaano Eebahay uu ka nabadgeliyey Dhibaatooyinka inta badan galaaftay Koonfurta Soomaaliya. Beeshan Direed ee ka talisa Hargeysa iyo Burco ayaa iyadu waxay qabtaa cuqdad ah Isir nacayb, Soomaali nacayb, iyo Midnimo nacayb oo aan sina looga daaweyn Karin. Haatan ka hor ayay ahay markii ay Jabhadda SNM-tu qabsatay Laascaanood inuu Wadaad xume Aadan Xaaji Maxamud Xiirey (Aadan Siiro)  ku hadaaqay in Beesha SSC laga guursado gabdho 500 ah si nabadi noo dhex marto. Wuxuu daliil u soo qaatay in arrintan oo kale uu Suubanahu(csw) uu sameyn jirey! Yaa si xun wax u fasiray aan Wadaad xume ahayn.!

 

Waxaan filayaa Wadaad Xume in yaraantisii uu maqli jirey in Beesha SSC ay deganaan jireen Dhulka maanta uu ku arko Beeshiisa oo degan iyo sheekooyin badan oo waayadii hore lagu sheekeysan jirey oo ah in Beeshiisu aysan Gole fariisi ku lahaan jirin Golayaasha laysugu yimaado. Waxaa kaloo dhegihiisa ka badatay Daraawiish iyo Halkanga dheer ee Diinta iyo Dalka lagu ilaalinayey iyo sidii ay Beeshiisu u taageertay gumeystihii Ingriiska si ay u helaan Dhul daaq iyo degsiimaba ku wanaagsan. Haatana waxaan isleeyahay si ay ugu abaal gudaan ninkii Ingriis waa in ay maanta dhulka soo kala gooyaan oo soo xiraan Yoocada!

 

Wadaad Xume Aadan Xaaji Maxamud Xiirey (Aadan Siiro) waxaa la yidhi Siirada Suubanaha ayuu cabay oo ku takhasusay! Laakiin Akhlaaqdeedii iyo camalkeedii midna ma hayo mana agmarin maadaama uu intaa Meytida caayayo, colaad Muslim qalbigiisa ka buuxdo, SNM iyo xasuuqii ay ka geysatay Gobolada Waqooyi oo dhan uu taageersan yahay. Sow kii Suubanahu(csw) yidhi maaha waxaan idiin ahay Tusaale wanaagsan oo lagu daydo! Sow ma odhan Meytida yaan la caayin, Naaneys xun yaan laysugu yeedhin, Dadku afkaaga iyo Adinkaaga ha ka nabad galeen! Intaa Wadaad Xume markuu hadlo wuxuu ku hayaa “Af-Weyne” isagoo ka hadlaya Madaxweynihii hore ee Qaranka Soomaaliyeed Allaha u Naxariistee Jaalle Mohamed Siyaad Barre. Kanoo kale sidee loo dhageystaa haddaan Caadifad iyo waa Qabiilkayaga lagu dhegeysaneyn! Koley anigu ma garan!

 

Waxaase aan anigu si kastaba ha ahaatee siinayaa bogaadin Wadaadka Meyd la dirirka ah ee hadalkiisa iyo fikradihiisa xota u ah. Waayo? Adan Siiro wuxuu doonayaa inuu sare u qaado Qiimaha Jabhaddii SNM-ta iyo Maleyshiyadii Direed oo dadka xasuuqaysay. Waa nin u diriraya sidii dadkiisu magac iyo mansab u yeelan lahaa. Waa nin Doonaya in Xasuuqii ay SNM-tu geysatay iyo Neceybkii ay u qabtay Beelaha kale in la baro carruurta dhigata Iskoolada Dhexe ee Gobolada Waqooyi. Wadaad Xumahani wuxuu ka xanaaqay markii Buugaas wixii ku jirey oo Nacayb, Buunbuunin iyo Been ah loo adkeysan waayey ee laga saaray. Wuxuu Salaad Jimce uu ku soo qaatay SNM iyo sidii ay u xasuuqday dadka, sidii ay u barakicisay Beelihii deegaanka iyo sida uu uga xun yahay in Cutubka ka hadlaya arrimahaas looga saaray buugga Taariikhda ee carruurta loo dhigo. Wuxuu ku goodiyey inuu Jihaad ku qaadayo Xukuumadda Hargeysa haddii aysan degdeg ugu soo celin Taariikhdii SNM-ta ee la masaxay! Wallee Jihaad baa iska ba’ay!

 

Waxaan anigu aaminsanahay Diintaba been ha ka sheegee waa nin doonaya in Beeshiisu ay magac iyo mansab yeelato. Waa nin xor u ah wixii uu doonana sameynaya wixii uu doonana sheegaya. Taasi waa raganimo!

 

Waxaase xuunsho aan wax ka soo qaad lahayn kuwii u dhashay beelaha la qabsaday ee lagu dulsocdo oo iyagu aan kelimad jawaab ah ku celin Karin Wadaad Xume adan Siiro. Shacabkooda diifeysan waxaa kaga wanaagsan inay Wadaad Xume Siiro sumcadiisa ilaaliyaan oo ay dhoowraan sidii aysan xiriirka ka dhexeeya Wadaadada Beelaha kale uusan u xumaan maadaama ay dhammaan isku urur yihiin ama Meel laga wada xukumo. Waa tan aan Wadaad Xume Adan Siiro ku siinayo billad Geesida oo ah inuu ka talaabsaday Saxwada, Ukhiinimada iyo Shabaabnima ay Wadaadada beesha SSC ay weli dhowrayaan! Wadaadada Beelaha kale waa hore ayay fahmeen farsamada la cayaarayo, iyo sida hadba loo raaco halka ay dabeyshu u socoto, laakiin waxaa sidii alwaaxa soo taagan oo qufulkii lagu dhejiyey weli uu ku xiran yahay Wadaadada Beelaha SSC.

 

Eeboow furaha u sahal oo weliba mid quful walba fura u soo dedeji! Waaba yaab! Aadan Siirana ha ku khudbeeyo Maleeshiyada SNM-ta ha la karaameeyo, Laascaanoodna ha looga khudbeeyo Gaza iyo Falastiin ha la karaameeyo! Adigaaba Falastiin ahe maxaad Gaza tareysaa! Sow dadku isma maqlaan miyaa!.

 

Khudbaddii Wadaadka cadaystay Adan Siiro Shabagadihii ay kusoo baxday iyo qoraalkiiba ka akhriso Link-yada Hoose.

 

http://www.togdheernews.com/index.php?name=News&file=article&sid=1644

http://www.somalilandcenter.com/content/view/482/9/

 

Zamzam C/llaahi

qidmiir@yahoo.co.uk