Saalaamad, halkan ka  akhriso qayb ka mid ah fikradihii dadku ka soo dhiibteen maqaalkii ahaa "sii carar soo carar sidee looga gudbaa"

"sii carar soo carar" waxaa ka masuul ah Puntland oo xaqdaradeedii la kacaa kufaysa. Niman islahaa Puntland baa xal u noqonaysa dhibka SS&C ka jirana markay hungoobeen ka dib ayay sidii xoolihii abaar soo dooga u firxadeen dhankay is lahaayeen cosobsi baa ka jira. Markaa Puntland ha la saxo, xal wuu soo deg degiye.

Abdi Ismaaciil(Ganay) Down Under (Australia)

Horta intaadan odhan "sii carar soo carar" oo aaydaan reerka xukun shaqsiyan ah ku ridin, ma deristay xaalada dhabta ah ee Soomaaliya? Ma qiyaastay "sii cararta soo cararta" degaanada kale marka la bar bar dhigo degaan SS&C? Haddaan tusaale u soo qaato reer Waqooyi, Ogadenia, Hawiye, dhamaan waa laga helaa ragaa ku caan baxay doogsin raaca, markaa arintu ugub maahee ragga afkiina ka jeediya.

Waa Jamhad reer Sool (Anonymous )

"wadaanta isha ka qaloocataa, foostaday la tagtaa" lol War ina Xaabsade hogaamiye ayuu ahaa oo SS&C magacooda ayuu wax ku cunayay 10kii sanood ee ina dhaafay, dee maalintii dhowydna waa kii hadal dhameeyay oo yidhi Puntland SS&C waxba uma qaban, markaa ragga aad ugu yeedhaysaan "sii carar soo carar" haddii ragaasi ka mid yihiin, tegistoodu ma dawaa mise waa lugooye? Waxaan qabaa hadaan odhaah duq ah isticmaalo, "nimankaasi sii jeedka (markay sii cararayaan) ayay ku wanaagsan yihiin" hadal hayntooda inaga daaya ee ficilkii meeyay? (odhaahdu waa iga itaal ee cafis baan dalbaday lol)

Fuu'aad Cali Canada

Dhibka SS&C ka jira yaa laga sugayaa xalkiisa? Ma reer SS&C mise Puntland? Horta  labadaa kala bixiya, arintaa marka lagu guulaysto ayaa manhaj midaysan la samayn karaa. Raggan sii cararayana waxay u muuqataa waa rag wehel waayay ama way soo noqon ama Hargaysay ku noqon "Sijuu" oo ilkuhu kaga daadan. (sijuu waa dadkii Afrikada bari galay qarniyadii hore)

Mohamed Cabdi Daahir , Mohad2000@yahoo.com

Horta inaad Isaaq ka carartaan oo aad majeerteen aadaan mooyaane, marna ma iswaydiiseen war abtiyaalow bal nala fadhiista? Waxaan filayaa haddii xamaasadda iyo caadifadda la xakameeyo oo aan wada fadhiisano in aan wax walba isla garan lahayn. Bal qolyahiina dhex dhexaadka ahi talada wax ha ku yeesheen.

Noah Sahal  berbera_99@yahoo.com

 

Doodu waa furantahay. Ka dhiibo fikirkaaga;  opinion@xaadhadhan.org  

 

 

ku Noqo Bogga Hore ee Xaadhadhan.org