Abdilahi Yuusuf & Cadde Muuse

Reer SS&C ma siyaasiyiin baad la shurkowdeen mise qoys?

SS&C buuq baa ka taagan. Dhulkii qayb ayaa qowlaysato qabsatay, intii kalana qarkaa loo saaran yahay. Dadkii la rabay inay difaacaan dhulkana iyaga dhexdoodii baa qaylo iyo is qab qabsi ka dhamaan waayay. Taasii waa calaamadaha lagu yaqaan quruun aan hogaan lahayn iskana dhex wayday rag ay dhamaantood qadariyaan oo xaajada qalafsan u go'aamiya oo loo hogaansamo. Maanta oo reer SS&C ay xaaladii ugu qalfsanayd ku jiraanna waxaad moodaa in mugdigii iyaga ku kala dhex jirayna diirad wayn la saarayo, khatarta deegaanka oo dhan ku soo wajahana buste qoyan la huwinayo oo la sakhirayo.  Taas waxaa u dheer, sababo badan oo jira awgeed, ayaa dagaalka gacanta ka sokow waxaa lagula jiraa dagaal fikir iyo qowl ah. Tashuush loo dhan yahay ayaa lagu furay, oo si niyad xumo loogu abuuro oo xaaladoodu ay u noqoto mid u dhiganta "Samir taag waa" ayaa suuqa la soo galiyay "Somaliland waa la aqoonsanayaa" idinkuna (SS&C) xaalkiinu waa "fad ama ha fadin" ee ka mid noqda calanka cusub (bakhaanka kala kaanka ah)  ama sidii reer Kashmir Ak-47 meelahaa la yaac yaaca. Waxaa kaloo lagu yidhi arintan dowlado badan ayaa wata oo waa xaajo dhamaataye madaxa ruxa intay goori goor tahay. Taasi waxay sababtay in qaar badan ay isku qanciyaan "waar 17 sanno ayaan koonfur sugaynay" ee na dhaafiya! (waa samir taag waa ee la soco) Qolo kale waxaay  moodeen in xaaladda dhulka SS&C ay Garoowe iyo Hargaysa kaliya ka go'do oo reer SS&C ayna lahayn karti ay masiirkooda ku go'aamiyaan taas oo sababtay in madaxu daalo siday u eegayeen waxa laga soo yidhi Hargaysa iyo Garoowe. Dhamaan arimahaasi waxay marag u yihiin quruun tashan wayday wax u taliyana wayday. Kuwa ka qayb qaatana waxaa ka mid ah kuwa magaca sheegta balse shilimaad ku iibsaday damiirkoodii iyo sharaftoodiiba.

Puntland Maxay ka dawo tahay?.

Cuqdadda waxa la yidhaahdaa waa wax xun. Haddii intaad talo qaadatay taladii kaa xumaatayna qof kale lama eedeeyo ee inaad talo xumaysatay ayaa la qirtaa, taas ayaa ninka ragga ah lagu yaqaan. Xidhiidhka reer SS&C iyo walaalahooda bariga ka xiga dhex maray waa arin aynu innagu ka qayb qaadanay oo waan u dhamayn Puntland dhisideeda. Markaan ka wado waan u dhamayn, ma lihi qof kasta oo reer SS&C ah, balse waxaan u jeedaa wadarta guud ee qoyska. Waxaadse moodaa, in qolyahan reer Hargaysa ay inagu khasbeen "war hadaad na diideen walee Majeerteeniyana ma raacdaan" Puntland ha lala xisaabtamo oo ha la is waydiiyo Puntlandeey maxaad ku dhisan tahay? Sidee laguu qaybsaday maxaa xeer iyo sharci ah? Haddii ay reer SS&C ay u cuntanto waa hagaag, haddiise ay u arkaan in dantu aanay ku jirin iyana waa war la yaqaan, balse go'aankaasi ha ka yimaado reer SS&C ee yuuna noqon mid ka yimid Hargaysa iyo qolyo mushahaar ka qaata. Taladaada ku diid Puntland ama ku raac yaanse lagugu dirqiyin!

C/llaahi Madaxweyne Soomaaliyeed, Cadde Hogaamiyo Puntland, SS&C?? Arin cirka ku laalan!!

C/llahi iyo Cadde, intaan eedooda la gaadhin, horta maxay rabaan? Su'aashaa is weydiiya. Haddaad jawaabta saxda ah heshaan, markaa ka bacdi waad is qancin kartaan oo waad ogaanaysaan in nin waliba uu dan leeyahay muhimada ugu waynina ay tahay siduu dantiisa u gaadhi lahaa, wax kasta oo u sahlayana uu ku dhaqaaqayo markuu gaadhana shalay wixii joogay ayna maanta joogin. C/llahi maalintuu Puntland hogaankeeda qabsaday ayuu madax weyne nimada Soomaaliyeedna u hanqal taagay. Siduu hamigiisaa siyaasadeed ku gaadhana wadadii uu mari lahaa ayuu ka sii shaqeeyay. Maanta oo uu madax weyne yahayna SS&C waxa ka socda waxay u tahay sheekadii shalay laga soo gudbay, Cadde oo maanta Puntland joogaana, isagu hami siyaasadeed oo kale kuma jiree, wuxuuse u haystaa SS&C inay tahay "disputed territory" aan dhib mooyee aan dheef ugu jirin maamulkan uu ka taliyo ee horumarka hiigsnaya. Afkana wanaag buu ka leeyahay, ficilkiisuna waa khilaafsan yahay nin wuxuu samaynayo og baan u arkaa ma iila aragtaan?

Haddaba, niman siyaasiyiin ah waxba cadho ha kula dhicina, ha eedaynina nin dan gaar ah leh, dantiisa markuu gaadhana aan cid kale aqoon ama danaynayn, ee reer SS&C ma shakhsiyaad baad la heshiiseen mise qoys (qabiil) baad wax wadaagteen? Haddii jawaabtu tahay ta hore, qaybsigiinii hore ayaa xumaaye, raggaad la heshiiseena toodii gaadhe "and they move on" tiiniibaase qabyo ahe meesha ka kaca oo tashada. haddiise aad qoys la heshiiseen cuqdadda iska saara oo wax qabad la'aanta iyo horumar xumaddu xagginay jirtaaye hogaan yeesha oo talo reer ha la idinka helo. "kala doorta labadaasi maanta waa kama dambaystiiye"

Wasaalmu Calaykum

Abdi Xarbi

dantaguud99@yahoo.com