Da'i dhafoor bay ka muuqataa,  Wejigani ma u egyahay weji ku faraxsan xaalada uu arko iyo sida wax u socdaan?

Ina Quuje ayaa waxaa laga soo xigtay inuu uga yimid Garoowe markuu ku arki waayay danaha SS&C. Balse dadka ayaa waxay isla dhex marayaan wuxuu quudaraynayay in loo magacaabo xil ciidameedkii lagu dhawaaqay bishii hore taas oo uu waxba ka waayay. Ina Quuje waxaa ka maqan waaya aragnimada oo wuxuu u haystaa in qofka ficilkiisii hore aan la qiimayn marka la darsayo dhaqankiisa mustaqbalka. Ina Quuje oo shalay uun ay ahayd markuu SNM ta ka yimid balse daraasaad la sameeyay waxay cadaynaysaa in mowqifkiisii hore uuna ku salaysnayn faham u kordhay ee uu ku xisaabtamayay in mustaqbalkiisa ciidan uu sidaas ku hor mari karo.  Arintan ah danta reer SS&C ayaan Garoowe ka waayayna, waa hadalkii uu yidhi kal hore markuu SNMta ka yimid, labada magaalo uun buu kala badalay, waxuuna ku biiray rag badan oo marka danta shaqsi laga waayo meesha ay joogaan u guura magaalo kale iskuna daya inay danta guudna ay la guuraan oo ka dhigay danta SS&C mid la mataan ah dantooda shaqsiyeed.

 Ina Quuje waxaan leeyahay wejigaaga ayaa sheegaya waxa uurkaagu qabo oo ah " Alle ma dulinimadan uun baan ku jiraynaa aan marba magaalo u cararno" Taasna waxaad kaga bogsoon kartaa inaad runta isu sheegto, Hargeisa iyo Ina Sulubkan LA idiinku taliyaa midna meel ku geyn maayaan, gurigaagii baad joogtaaye maxaa sababay in nin reer Hargaysa kugu soo dhaweeyo? Waata lagugu soo ururay si aad tahay TOY magaalada ku cusube ma iswaydiisay sababta?

Taariikhdu ma guurto, waa taxane socod ah ilaa iyo hadana taariikhda waxaa kuugu jirta inaad tahay "Flip flopper" Xaabsade haddii aad la mabda' noqotayna isagoo kale uun baad noqon -Shalay Ilaawe, maanta mooge, Beri ma xusuuste!

 

Darwiish Dhuxul

USA

 Dhulkahante@yahoo.com

 

Fikradani waxay gaar u tahay qoraaga qoray. Daabicisteedu maaha in Xaadhadhan.org qabto fikradan. Haddi aad rabto inaad

gudbiso fikradaada ku soo dir halkan opinion@xaadhadhan.org