Ninkii u fiirsada xaaladda SS&C ay ku sugan tahay iyo hab dhaqanka dadkii gobolka u dhashay qaar ka mid ah, af kala qaad uun baa ka soo hadhaya. Rag badan oo isu haystay inay yihiin wax garadkii iyo hogaamiyayaashii beesha xag siyaasi ahaan ayaa ay cadaan tahay inay majaro habaw ku jiraan. Arintoodii waxay ka dhamaan wayday, xagan ka carar oo xagan u carar taas oo imika noqotay arin lagu maadaysto oo la yidhaahdo "war saa ha ku odhan yuu xagga kale u goosanine"
Hadaba, bal si aan u ogaano mucjisadani gorta ay bilaabantay, siday u fiday iyo sidii lagu joojin lahaa fikirkaaga ka dhiibo. Maxaa u sabab ah "sii carar soo cararta?" Yaa bilaabay? Sidee qayb looga qaadan karaa sidii looga bixi lahaa "Sii carar soo cararta" noqotay arin lagu sheekaysto? Fikirkaaga dhiibo halkan opinion@xaadhadhan.org Waanu soo daabacaynaa fikradaha dadku dhiibtaan. Fadlan sheeg magacaaga, degaanka (wadanka) haddii aad rabto inaan magacaaga la faafin soo sheeg waanu tix gelinaynaa codsigaagaa.
ku Noqo Bogga Hore ee Xaadhadhan.org