"Sool Gacan bay ku Jirtaaye, Sanaag Bari iyo Buuhoodle see ka yeelaa?" Riyaale

Sidaad la socotaanba waxaa looga diyaar garoobayaa gobolada Waqooyi Galbeed, Togdheer, iyo Awdal tartankii u dhaxeeyay niman Soomaaliyeed oo ama kartidoodu xadiday ama cuqdad ka qaba in ay Soomaali oo mid ah tartan siyaasadeed ka galaan oo dabadeed go'aansaday inay Soomaali kala qoqobaan si ay mar uun ay u hantaan magaca aad ula weyn ee ah in loogu yeedho "madax Weyne" Raggaas tartank ku jira ayaa waxay kala qabaan shaki aad u weyn oo Riyaale oo imika magacaa sita ayaa waxaa la tartamaya Siilaanyo oo cimrigiisa ku laastay dad badana dembi kaga galay si mar uun u magacaa u hantiyo. Iyo Faysal Waraabe oo isagu aan rajo ka qabin doorasho laakiin loo isticmaalo inuu dhiiri galin iyo durbaan garaac u tumo qolyaha jibaysan ee Xamaasadda iyo riyada isku lifaaqay ee ku fikiraya in mar uun Soomaali labo loo kala gooyo.

Hadaba, kalsooni xumadda ay kala qabaan nimankaasi ayaa ku kaliftay in ay ku dhaqaaqaan wax ayna awood dhaqaale u lahayn taas oo ah, inay diiwaan geliyaan Somaalida ku dhaqan saddexdaa gobol ee aan kor ku soo sheegnay. Muhiimadda ay siinayaan arintaas ayaa waxay kaliftay inay u jiheeyaan kaalmaddii hay'aduhu bixiyeen sidii dadka loo diiwaan gelin lahaa iyadoo dadkaa magacyadooda la qorayo ay gaajo iyo nolol xumo la ildaran yihiin- Muhiimad la is daba mariyay dheh!

Saddexdaa gobol, ayaa labada nin taageerayaashoodu u kala qaybsan yihiin, iyadoo sidda Soomaali caado xumo u ahna ay arintu isu bedeshay Qabiil oo qabiilba nin calan saartay oo tartan qabiil meesha ka socdo. Iyadoo taasi jrto ayaa imika waxaa tartan loogu jiraa goboladda Sool, Sanaaga iyo Cayn.

Ragga wakillka u ah labadaa nin ayaa tartan ugu jira sidii wax tiro koob u eg looga samayn lahaa goboladan. Hadaba nin waliba wakiil hoosaad ayuu samaystay, waxaana la sheegayaa in Sanduli Riyaale ku yidhi aniga igu halee gobolka Sool anigaa liisto jirta iyo mid aan jirinba soo samaynayee. Halka Xaabsayna uu Siilaanyo kula gor gortamayo goblka Sool iyo waliba isagoo ku yidhi, "war Soolna qaybta libaax anaa ku haya, dee Buuhoodlana aniga igu duub waan keenayaa liis buuxa e" Fu'aad ayaa isagu sheegaya inuu Sool iyo Sanaag koonfureedba ay gacanta ugu jirto oo liiska dadkaasi ay ku xidhan yihiin "in horta aniga lay qanciyo ama wax la ii sheego" Sanaag waqooyi ayaa imika Riyaale iyo Siilaanyo raadinayaan cid ay wakiishaan oo liisto u soo ururiya.

Hadaba iyadoo taasi ay jirto ayaan waxaan u digayaa dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn inay ka feejignaadaan arintaas la soo maleegayo oo laga yaabo inay u horseedo dadka deegaankaa degan dhibaato hor leh markaa ragan daba gelisyada ahi ay soo qaataan Sanaaduuq iyo shilimaadka UNDP ay ku bixiso qaska iyo qalaanqalka aan degayn ee Soomaaliya oo dhan ka socda.

Mahadsanidiin

Darwiish Dhuxul

USA

 Dhulkahante@yahoo.com

 

Fikradani waxay gaar u tahay qoraaga qoray. Daabicisteedu maaha in Xaadhadhan.org qabto fikradan. Haddi aad rabto inaad

gudbiso fikradaada ku soo dir halkan opinion@xaadhadhan.org 

 

 

ku Noqo Bogga Hore ee Xaadhadhan.org