Daalo Airlines waxa ay noo fududaysay haddii aad soo raacdid, waa haddaad London u socotide, inaad cid walba oo diyaarad walba la socota ka soo dheeraysid. Reer Somaliland waxaa caado u ah inay isu war doontaan, isna yidhaahdaan waar waddankii ka waran iyo maxaad soo aragtay? Dadkani miyaanay ahayn kuwii waddankii ka wada yimid, oo labo casho soo kala horreeyay? Badanaa la iskuma diido “there is no place like home” ama “lama huraan waa caws jiilaal”. Intaas marka laga tago wax badan oo danbe la is lama garto; Ilaahow, aqoon la’aan, ha nagu cadaabin, eexna ha nooga tegin! Waa marba adiga sidii uu fasaxu kuugu bilawdo! Dadka qaarkii hadda waa nasiib daran yahay; dhinac xun uun buu ilaahay wax ka tusay ama la kulansiiyaa, waa gaajada, rafaadka, caddaalad xumada iyo horumar la’aanta meesha taalla. “Guri aanu lahayn, baa marba koox cusubi nagu qabsanaysaa, waa markii shanaad oo koox hor leh aan wax siinayno”. Waa ku qabso ku qadi mayside! Arrintani kuma qusayso haddii ugu horraynba ilaah indho iyo dhego nooc kale ah kuu sameeyay, oo wax walba kaa tusay dhinac fiican mise..? “Ayaaney, madaarka Hargaysa markaad ka soo tagtid miyaadan arag oo aadan farxin marka Afsoomaali lagugula hadlo”? sidaan markii hore sugayay in af shiine ama Talyaani la igula hadlo. Waa cuntada, waa hawada, calanka, booliska aan cadowga kuu ahayn; bal barbardhig maalmihii madoobaa ee diyaaradda ka soo kacda madaarka Hargaysa ay duqayn jirtay magaalada Hargeysa? Xaraaraddu waxay waliba cirka isku sii shareertaa marka sheekadu ilaa Xamar socoto, oo fasaxiiba la iska ilaawo; bal Muqdisho barbardhig Hargeysa? Arrintani waxay gashaa faallo dheer oo dad iyo duunyaba leh! Sheekadaasi waxay ku soo afjarantaa bal iminkaba eeg mandaqadda aynu ku nool nahay dagaalada iyo colaadaha ka oogan iyo nabadda aynu haysanno? Adigu Ayaaney madaxwaynaha ma la soo kulantay, anigu ilaa madaxwaynaha waan la soo kulmaye? Haye, oo muxuu kugu kordhiyay ama aad ku soo kordhisay? Maxaad sidaas ugu hadlaysaa, ma mucaarad baad tahay? Laftigaagii baa khushuuc, xiise iyo kalgacal la muraaqoonaya; waxaad dareemaysaa inaad macluumaad hor leh iyo sir cusub aad heshay! Halkaas baanad ku illaawaysaa wax walba oo naftaadu tabanaysay; waa gurigii shanta goor baadda aad ka bixisay, waa hooyadii aad labada goor Itoobiya dhakhtarka u geysay, waa shanta walaalaha ah oo aan aabbahood shaqayn oo aad labo uun awooddo inaad jaamacadda ka bixisid. Ilaa goorma baynu dhibaatada Soomaalida haysata ka raadinaynaa GOBANNIMADEENA? Waa run Soomaaliland waa nabad, waxay qaadatay nidaamyaddii adduunku soo
maray kii xigmaddii adduunku ku soo ururtay, Xamarna waxay noqotay godkii
geerida, oo waxay hormood u tahay tusaalooyinka adduunka meelaha ugu xun xun
ee bini’aadannimo ku dhimatay. Taasi mayay tahay arrin gobonnimo iyo quud
laga dayo; in walaalladaa bini aadannimadii ka sii xuubsiibanayaan? Waa gar
iyo runba inaynaan wax badan ka qaban karin dhibaatooyinka ku habsaday
walaalaheen, laakiin miyaanay xaq iyo dawba ahayn inaynu la murugoonno;
miyaan la inooga fadhiyin inaynu muujinno dareen bini’aadannimo iyo mid
Soomaalinnimaba? Sidaynu inakuba uga fadhinno inay mar uun ka garaabeen
dhibaatooyinkii ka soo gaadhay Reer Somaliland dawladdii Soomaaliyeedee
magacooda huwanayd. Maxaynu uga maskax liidannaa Abwaankii “Haddii aqalka daahyadu go’aan daakhilkaa
xigiye, Bal ii tilmaan, haddii Xamar la waayo, Jabuutina la waayo siday suurto gal u tahay in Hargaysa nolol lagu haysto. Mise fekerkaasi wuxu iga dhigayaa qof aan Somalilandarad ahayn oo qaran dumis dambiile qaran ah, illayn wax kale oo aynu isku xuuxinno ma haynee? Mase la socotaa Somalilandernimadayda inaan cidna fasax uga qaadanayn oo ay distuurka Somaliland ku qeexan tahay? Mise maba aaminsanid kaas isaga? Intaas yaynaanse isla garane; ma ku kulmi karnaa uun in gobonnimda Somaliland ku jirto inay is dhex galaan oo wada noolaan karaan Somalilander-ka laftarkoodu! Toddoba iyo toban sano ka dib, waxaa loo baahan yahay inaynu u gudubno, guda galkii dib u dhiskii bulsheed ee aan sandaqadaha meel walba laga taagay ahayn; inaynu hor marinno, kobcinno, iskuna xidhno bulshadeenna, waddaniyiinta Somaalilandna ay u helaan waxbarasho, caafimaad, xaquuqaha aasaasiga ah ee shaqsiga, iyo ta ugu muhiimsan oo ah in laga shaqeeyo is-dhexgalkooda. Arrintani waa ta ugu wayn oo ay ku kuftay dawlad walba oo Soomaalida soo martay; is dhexgalka macnaheedu maaha in Sayliciga, Jaandheerta iyo Bariyada Ceerigaabo la isku daro oo aynu hal ciyaar ah oo cusub tumanno. Waa nasiibka aad ku arki kartid ama ku ogaan kartid qiimaha iyo quruxda gaarka ah ee ay qayb bulshadaada ka mid ahi leedahay. Aadna ku ogaan kartid xaaladahooda gaarka ah, ulana qaybsatid dhib iyo dheef, haddii aadan awoodin in aad wax tartidna aad dareenkaaga shaqsiyeed la qaybsatid. Dadnimadu hadday saas ku jirtay; maxay Somaaliland u gaadhay heer qurbo jooggu ku kaftamaan; beer wayn baanu leenahayoo, waxaa hadhay in la ii goboleeyo! Qurba jooggayagu sidaannu ugu khalkhallay in Madaarka Hargaysa Af-Soomaali lagaga hadlo, bay waxay bulsho reereedkii Somalilandna la jaha wareereen, in reer walba gobol ku magaacaaban yeelan karo, oo maxaaba reeraha kale iskiinba tusaya, oo la isku leeyahay? Arrintani waxay I soo xasuusisay shan sano ka hor maraan abwaan Hadraawi ugu tagay Burco, waxaan aad u qawadsanaa inuusan taageero buuxa siinnin Somaliland; hal su’aal uun baa markaas aniga ugu mudnayd “ Hadraawiyow maxaad Somaliland uga soo horjeeddaa? Oo ma anaa ka soo horjeeda? Adiguse sow Somaliland ma taageersanid, haa, waa maansha Allee, adeer halkaas uun ha ka soo dagin” oo halkeen u soo dagi lahaa? Waxaad u soo degi halkan aynu marayno! waan yaabanaaye, illayn waa oday hore Ilaahay wax u tusay? Siyaasiyiintu ha ii danbeeyaane, maxaa aamusiiyay waxgaradkii? Meesha ma wax aan la arkayn baa ku jira oo aan ka ahayn soo laba iyo saddex kaclayntii QABYAALADDA, sidii kacaankuba ummadda ugu soo shan iyo toban kaclanyn jiray? Su’aashaas markaan dhowr qof isku waydiinnay mid uun baa meesha ka soo baxday, in wax garadkii isku qanciyeen “ haddii aan arrintan wax ka idhaahdo, reerkaas baa khalad iga fahmaya”! Miyaydan waxgarad sheeganayn, ma siyaasi doorasho ku jiraad tahay? Reer hebal hadduu ku naco, waa maxay khasaaraha waynee ku soo gaadhaya? Halkayse joogaan reer hebalkan guddiga Fatwada dadka saarta leh? Waa baqdin aan maanta iyo berri la garanayn meesha ay ka timid, oo ay ka soo fagmayso. Wax garadka Somaliland waxaa looga fadhiyaa inay abuuraan, keenaan, Somaaliland horseed iyo tusaale u noqota Soomaali oo dhan, taas waxaa shaqaystay oo ay aayatiin u noqonaysaa reer Somaliland, waxayna laga maarmaan u tahay danyarteeda, waxayna gobonnimo u soo hoynaysaa Soomaali oo dhan, waxayna guul u noqon aadmiga intiisa samaha jecel. Waa muhiim in la helaa Somaliland caddaalad, ilbaxnimo iyo hormumar ku dhisan, taasi ma suurtoobaysaa, haddii xumaanteennii soo labo kaclayso, damiirkii iyo dadnimadiina aamusto. Gabogabaddii, wax garadka iyo indheer garadka Somaliland iskuma helayaan inay aamusaan marka geesinnimo loo baahan yahay iyo inay helaan waddan iyo ummad aayatiin iyo dadnimo lagu soo hirto leh. Xal iyo xigmadi kuma jirto inaynu caadaysanno self-censorship –kan dhaqankeenna galay; qofku inuu isagu fekerkiisa xakameeyo, isaga oo aan cidi ku soo duulin fekrad la’aan shakhsigu isku xukumo. Way dhacdaa in dawlad xumo beryo ku hesho, way dhacdaa in mucaaradkaagu geesinnimo muujin kari waayo, wayba dhacdaa in dawlad la’aan maalmaha qaarkood ku hesho. Macno ma leh haddii ay dawladeennu fahmi wayday in Somaliland tahay “ ilays yar oo ka soo hadhay ummado dhan oo geeska Afrika qurux iyo gobannimo ku caan ahaa” laakiin waa nasiib darro iyo murugo inay wax garadkii Somaaliland iyo mucaaradkiiba isla gartay; in maanku shaqeeyo iyo danta guud inay ka mudan tahay danaha yaryar ee qof waliba uu leeyahay. xildhibaanka keliya oo arrintan si toos ah uga gilgishey waa xildhibaan Duur, waliba ka soo jeeda xisbiga xukuumadda haya, Guul iyo gobanimo! Waa maxay danta ka wayn aayatiinka ummadeed, ta dadnimo iyo ta dawladnimadeennaba? “…. Intuu maanku gaajaysan
yahay, guuli waa waliye..” Ayaan M Cashuur Fikradani waxay gaar u tahay qoraaga qoray. Daabicisteedu maaha in Xaadhadhan.org qabto fikradan. Haddi aad rabto inaad gudbiso fikradaada ku soo dir halkan opinion@xaadhadhan.org
|