Golaha Badbaadinta Gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn : Talo
Bixin Shirka Isimada SSC Ee Boocame.
Ku Isimada SSC.
Ku Dadweynaha SSC.
Og Maamulka Puntland.
Guddoonka Golaha Badbaadinta Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn iyagoo ka wakiil
ah Golaha, ayuu yeeshay Shir aan caadi ahayn maanta oo bisha November tahay 14
{ teleconference } Waxaannu si gaar ah uga wada hadalney wixii Shirkaas ka
soo bixi kara ama loo baahan yahay in ay ka soo baxaan oo beeshu ku walaaloobi
karto.
Falanqayn dheer ka bacdi waxa la isla gartey :
A - In Goluhu si taxadir leh u taageero Shirkaas.
B - In ay tahay waxa keli ah ee maanta Dhulbahante la gudbooni inuu si degdeg
ah u xoreeyo dalkiisa . Maanta hadal ma furna, garnaqsi ma furna, wax kala
sheegassho ma furna . Waxaa garnaqsada, wax kala sheegta dad xor ah oo aan la
haysan. Ka wax sheeganaaya , iyo kan wax loo sheeganaayo labaduba waa la
haysta yaal.
Sidaas darteed waxaannu ku talin lahayn in ay go,aamada Shirku noqdaan :
- In midnimada Dhulbahante ay tahay Muqadas.
- In si wada jir ah oo degdeg ah dhulka loo xoreeyo, oo ceebti aan weligeed
inna soo marin la iska meydho.
- In nimanka u dhashay SSC ee hor boodaya nimanka dalka ku soo duuley, haddii
la dilo, loo aqoonsado Gar iyo Maglaawe iyo Looma Ooyaan .
- In la aqoonsado lana taageero Shirkii hore ee Garoowe ee Isimada Puntland .
Waxaannu rajeyneynaa in talooyinkaa iyo kuwu kale oo ka si fiicani in ay
Shirka ka soo baxaan..
Guddoonka Golaha Badbaadinta Gobolada SSC.
Kala xiriir
guddidassc@yahoo.com