“Nin ku dilay hadh kuuma jiido”

Waraabe imaatin kiisu anna waaygu tiiq-tiiqsi isna waw tamashle midiidinkana waa u talo-xumo.
Warqdani waa afti aan ka sido af-hayeenada Guutada koowaad ee geyiga SS&C kuna sugan dalka gudihiisa iyo dibadaba.
Sidda sawirka idiinka muuqata Waraabe wuu ciidayaa, wuxuuna ku ciidayaa guul aanuu dhiig SNM u daadanin ee uu doqon ka riixday.
Ayaan daro waxaa ah in ninkii SNM u af-xumaa ee u nacasasnaa ee ugu dhuuniqaataysnaa loogu soo diro Laas-caanood wafti. “Guri ba’ow yaa ku leh?” Waxaase is waydiin leh. Raga gurigoodii gurikale u rarayaa siday u gama’an hurdada, amase ay cuno u quutaan?
Xumaha walaalkood oo ay is yara jareexeeyeen ama ka yara sed- bursaday ayaa wuxu ku noqday hiirtaanyo bogsanwayday, oo dhaxalsiisay cawaaqib xumo deegaankeenoo dhami u aayo. Waxaase yaableh, waxay ugu muuqan wayday Xumatada SNM. SNM oo intii Ilaahay abuuray ku taamayay in uu ku mulkiyo. Mar uu Engriis kuu soo raaco, mar uu Amxaaro kusoo kaxaysto, iyo mar uu isgu sidiisa kuugu soo duulaba wuxuu naftiisa SNM ka balanqaaday inuu ku dabartiro, dalkana kaa mulkiyo. Markaa SNM oo Daarood iyo khaasatan Dhulba-hante nacaybkiisu miyirdooriyay, oo af-xumo iyo dagaal inay kugu kulimiyaan dhamaantood yar iyo wayn ku heshiiyay, Maxay kugu muuqan wayday xumahoodu.? Maxaad u dareemi wayday aayo xumada ay dabada ku hayso midiidin nimadu? Maxaad ubadkaga ubadkiisa gunimo ugu kastay? Su’ aalahani waxay khuseeyaan midiidinka oo dhan. Midiidinkana waa ka mid kuwa qurbaha jooga ee makhaayadaha ka difaacaya Soomaalidiidka. Ogow waa adiga ninka cidla cududiisa ciil barkandoonaa.
Sideedaba qofku intuu ku dheeryahay lagagma masuugo, Dirta waqooyi waxay ka simantahay cidbaan kala iibinin karin. Hana moodin inay heshiis tahay. Sidaas aynu inagu isu hayno iyo si kasii xun ayay isu hayaan. Sababta maqaar saarka Riyaale loo fadhiisiyay kursiguna waa aamindarada ay isu qabaan. Haseyeeshee, colaadaada ayay u midoobaan oo dhexdoodaan la geli Karin. Si kastooy isu neceb yihiin adiguun bay kaa sii necebyihiin. Waa mid aynu u baahanahay inaynu ka barrano. Ka sakhraansan iyo ka salaada tujinaya waa isu qowl waxaad moodaa inay loox wax loogu wada liqimay. Ka sujuuga ah een af-soomaaliga aqoon iyo ka hadda buurta ka soo rooray waxaad moodaa inay meel u wada hoydeen. Dadkuna markay madaxa ka midaysanyihiin ayay qaranimo higsadaan, oo cadawgana iska caabiyi karaan. Ninamka midiidinka noqday miyaanay marnaba hoos u dayin halkay naftooda iyo dadkoodaba dhegeen. Miyaanay hoos u dayin sida dadkay u adeegayaan isugu duubanihiin.Mucjisadii Allah kula magaa madaxaga ka wayn.
Hadaan u soo noqdo midiidinka. Waxaan jeclaan lahaa wixii xadhiidh lalihi inay gaadhsiiyaan aftidan oo ay fahansiiyaan:
· In tani duni tahay qofkastoo inaga midihi ayaamo yar oo tirsan sii joogayo
· In aan lagu waaraynin ee qayd yar oo cad ado ku duuban aad ka tagayso, camalkaagiina ku sugayo.
· In wixii ku soo galaana si kastoo ay kuula buuran yihiin manta aanad berri haynin.
· In waxaad cuntaana ay cuno uun tahay, meeshaad seexataana waa uun go’gol.
· In gunimada iyo tiiqtiiqsiga SNMna kayd aad dhitaysay oo adiga iyo tolkaaba uyaal uu yahay.
· In weliba guhaada tolkaaga aad gunimada badayna adiga gaar kuu sii tahay.
Markaa, gurigii ba’ayoow maxaad ku go’day? Maxaad midiidinimo ku door biday?. Bal xisaabtan oo hoos uday waxaad lumisay iyo waxaad korodhsatay ma isu qalmaan? Wax aan ceeb iyo nacdiir ahayn oo halkaas kaga kordhay majiro Allah kula maagay uurkutaalada.
“Madax muuqda lagama quustee” ragoow, Midani waa iga waano. Hadii SNMtu kuugu balanqaaday wax madaxaaga ka wayn. Been kuu sheegi maayee, Balan qaadka SNM waa bishoo sadex ah. SNM wacad iyo balan weligiiba loogama aayin adna uga aayi maysid. Waxa keliya ee uu caan ku yahay waa khiyaamo iyo muluh-muluh, tuugo iyo daba martayn. Waxay u badantahay ooy noqanaysaa aakhirka inuu jeel kugu abaal gudo ood ku dayinto. Sababtuna waxay tahay, adaanba ku dhiibaye miyaad aamini lahayd ood kaalin waxa ku ool ah u dhiiban lahayd ninka kaa yeelay inuu u reerkiisii kuu soo rogo,dhulkiisii ku hantisiiyo, ninka ay ka suurtowday inuu naftiisa labadible udabro? Jawabtu waa maya!!. Waxay runtu ku jirtaa in ayna SNM xal kale kuu helayn. Xalkaaguna oo noqon doono inay kuu dabi sameeyaan oo ay ka fursanwaydo inay iska kaa hooyaan oo lagu xidho. ”ceeb iyo caydh“
Hadal iyo murtidii, weli caymaad leedahay weli waxaad jogtaa meel aad wax ka qaban karto. Marka, waxaa dantaadu ku jirtaa inaad ragyahoow is laba-rogtaan oo gibil baa idin saarane heeryada tuurtaan,SNMna markiisa kaga kabash-kabash siisaan si nin waliba wuxuu ahaa ugu noqdo. Ana aa mashxarada kor u qaado sidii gabadh reerka dhalatay!!! Waraabana sidii caadadiisu ahayd uur kutaalo iyo ciil ku seexdo, walbahaarna la meehanaabo.
Markaad Dirta waqooyi ku celisaan halkay ku oodnayd, teena waynu iska shaafiyi. Qorshe iyo maamul kii hore ka wacan oo aan cidna la duudsiyin baynu ku wada dhaqmi doonaa. Inna Waraabana awalba walaahoow buu ku jiray hadana waleecaad u raacsha.
Wabilaahi towfiiq
Tolmoon. H.H.Qodax