BAAQ: KU: Odoyaasha iyo Wax garadka Beelaha Habar Jeclo iyo Habar Yoonis. Anigoo u hadlaya Harti Galbeed (Dhulbahante iyo Warsan Geli )
Habar Awal iyo Guda Biirsi waan ka reebay baaqan sababtoo ah; Habar Awal iyo Guda Biirsi Somaalinimo waxaan ahayn oo naga dhexeeyaa ma jirto, dhibta iyo waxyeeladda ay na gaadhsiin karaana waa haddii Habar Jeclo iyo Habar Yoonis ay u ogolaadaan oo ay u sahlaan gardaradaa cad. Hartiga intiisa kale (Moore Case, Moxamed, Cabdi Koomade, Kaskii Qabe, Liibaan Gashe,) waan ka reebay, sababtoo ah, sidaa Habar Awal oo kale, dhul idinkama dhexeeyo haddii dhib ay idinla maagaanna waa haddaan ka ogolaano (Dhulbahante & Warsangeli). Daroodka kalana, waxaan Ogaadeen ka ahayn waa la mid oo isma soo gaadhaan, Ogaadeena dhibta gumaystuhu ku hayo taad ku haysaan baa kaga daran.
Soomaalidu waxay horay u tidhi; “Gogosha raggu waa nabadda” War Habar Jeclo iyo Habar Yoonisoow nabad ma ku wada noolaanaa? War ma is bad baadinaa? Dagaal iyo Colaad ku faani maayo, oo dagaal iyo colaad nimaan aqoon bay la fududtahaye, war waan naqaanaa daggaal sokeeye’e ma iska bad baadinaa?
Waxaan idinku abhinayaa inaad na daysaan, Oo Allihiin hadduu Alle yahay aad na daysaan, oo wixiinu waa gardaro cad e aad gardaradda naga daysaan. War Illahay dartii noogu baaqi maysaan, oo in Kutubka Alle iyo Shareecadda Islaamka la qaato noogu yeedhi maysaan, oo dhalashaa naga dhexaysa noogu baaqi maysaan, balse waxaad noogu yaboohaysaan wax Ilaahay iyo aadmigiisuba ka digeen oo ah, tafaraaruq iyo in midnimadda ummadda oo la wiiqo. Waa xaqdaro aan geed loogu soo gaban, oo danbi ku lamaan yahay, waxaad ku yaboohaysaan wax u dhinka Midnimmadda ummadda taas ayaad ka shaqaynaysaan Illahayna ma ogolla annaguna ma ogoline na daaya oo dhiiga dadka xaqdaradda ku daadanaya bad baadiya.
War dhalasho inagama dhaxayso, mid baa inagga dhaxaysay oo idinkaa diiday oo waa ta Soomaalinimadda. Dhiig inagama dhexeeyoo idinkaa diiday. Waynu is dhalay, oo dhiig inuu inagga dhexeeyo ayaan u aragnaa, balse idinkaa diidanoo, Wasiirkiina aad aad u jeceshihiin (Cawil) ayaa buug ku qoray oo sheegay in wax dhiig ahi uuna inaga dhexayn, dhibtiisa iyo taageerada u haysto markaan arkana waxaan u malaynayaa wax kasta waad ku raacsan tihiin. Waxa kaliya ee inagga dhexeeyaa markaa waa dhaqan iyo Dhul. Dhaqan lama doorin karo, dhulkiibaadse u soo dhigateen. War ma khasab iyo Jujuub baad ledihiin Ummad dhan, ha bedesho Taariikhdeedii qarniyadda jirtay oo tariikh cusub ha bilowdo? Waa midaan dhacayn oo Soomaali iyo midnimo intaan ka tagno inaan ka shaqayno Soomaali bur burkeed inaan intii maqnayd doono mooyee, waa calaacal timo ka soo bexeen ee runta ma isu sheegnaa? War caaqilku runta ha sheego, oo wax garadku xaqa ha iftiimiyo. Ninka ragga ahi waa kii mowqifkiisa sheegta ka ragga ahina waa kii qadarin jiray, mowqifkayagu waa cad yahaye kii qadarin lahaa ma la idinka helayaa?
War ummad doqon ma hogaamin karo, dhuuni qaate ma hor kici karo, danayste wax uma sheegi karo, intaas oo dhan baad isku daydeen oo aad rabtaan inaad nagu wiiqdaan. Doqonkaygii baad u yeedhateen, Dhuuni qaatahaygii baad soo hubayseen, wanaag iyo ood wanaagna waad nagga doonaysaan. Ummad taajir ma hogaamiyo, qof la soo dirsatday ma hogamiyo, calooshiisa u shaqayste ma hagi karo, wax garad baa hogaamiya, wax garadkayagii oo taageeradda ummada haystaana go’aan koodu waa cad yahay: Soomaalinimo iyo degaan ku wada noolaansho ayaan idiin haynaa. Ma naga aqbasheenoo sidaa ma ku wada noolaana?
Haddaad taa diidaan, oo aad qabiil nagu soo weerarteen idinkoo shaati Mamul huwan, oo wax ma garadkayagii iyo liitaagayagii faraskiisa fuushan, dagaal baad iclaamiseen. Dhaqankeenana waan naqaan dagaalkaasi waa mid qabiil, dagaaladii Ahliga ahaa uun baad dib ugu baaqdeen isagiibaana dib u bilaabmaya. Wixii ummad halaagsantana ninkii bilaabay baa ka masuul ah, markaa waxaa naga go’an oo aan diyaar u nahay nabad iyo deris wanaag, haddiise Shaydaan wax idin tuso, oo gudcur idinkoo gudaya uu caddo idiinku sheego, oo aad is qaban weydaan, difaaca dhulka, qaranimadda, midnimadda Somaaliyeed iyo inaan la dagaalano nimaan Alle ka cabsi noogu yeedhayn ee noogu yeedhaya gumeysibaa xariijintan jeexay ee qadari oo xushmee waa naga go’antahay. Jawaabtu Xaggiina ayay Jirtaa, Waana sugaynaa.
Talo siin: Harti iyo Darood intii u soo ciidamisaba:
Dagaal waa niyo, waxaad ku dagaalanto oo niyadaadu tahay baad helaysaa. Markaad dagaalamaysaan oo raggaa gardarrada weerarka ku soo qaaday aad la dagaalamaysaan niyadiina hagaajiya. Niyadoodu dadkaas waa baadil Illahayna waa arkaa aadmigiisuna waa og yahay, sababtoo ah, tafaraaruq iyo kala gayn, tix gelin dabin isticmaar ayay intaas oo qof u halaagayaan oo umad dhan u bara kicinayaan. Waxay u socdaan qiimayn ay qiimaynayaan raad uu isticmaar ka tegay, iyagoo iska indho tiraya cawaaqib xumadda ay keenayso qarawgaa ama riyada aan askalka lahayn. Hadaba idinku niyadiina bedela oo qabiil yayna noqon. Ku dagaalama suulin munkar, iyo ummad lagu soo duulay si loo wiiqo midnimadda iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Alle loogu yeedhi maayo ummaddan la soo weeraray, balse waxaa loogu yeedhayaa in la fuliyaa rabitaan reer raba xero uu ootay iyo dad uu ku xaraysto oo xeraddaa u sharciyeeya si ay wadan ugu ekaato. Ku noqda taariikhdiiniii hore, oo tusaale ka dhigta, Ingriis iyo wuxuu watay oo dhan baad u babac dhigteen oo dagaal dheer la gasheen muddo aad u dheer idinkoo intan ka itaal yar kana hub yar niyaddaase wanaagsanayd, tani tii way ka hawl yartahay balse niyadda uun wanaajista. Ilaahay dartii iyo xaqdaro la idinku soo weeraray u dagaalama qabiilka ay isticmaalayaana ka dheeraada. Guushu waa xaggiina. Soomaaliya Ha Noolaato!! HA is Raacdo!!
Waxaan rajaynayaa, dadka caqliga u saaxiibka ahi inay qaalib noqdaan.
Wasaalmu Calaykum
Abdi Xarbi