Shirwaynahii dumarka SSC ee Sabtidii ka dhacay magaalada Minneapolis
Sabtidii ay November 3da ahayd ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Minneapolis shirwayne albaabadu u xidhan yihiin ooy isku arkeen dumarka beesha SSC.
Shirwaynahaas oo lagaga faaloonayay sidii loo wacyi gelin lahaa ragga beesha SSC ee ku maqan Soomaalidiidka. Ragaasi oo lagu cambaareeyay dhadhamo raacnimo iyo dhuuniqaato nimo ayaa dumarka beeshu waxay u fidinayaan nabad gelyo hadii ay toobada ku soo noqdaan oo ay cafis waydiistaan tol waynaha iyo Mujtamaca Soomaaliyeed. Dumarka beesha SSC oo iyagu ah dadkii xadgudubka loo gu yimi ayaa waxay balan qaadeen inay magan gelyo iyo cafis bixin doonaan haduu biidhi qaatayaashu toobad keenaan.
Arimihii goobtaa lugu lafa guray ayaa waxaa ka mid ahaa in dhamaan ragga beesha la wacyi geliyo iyo sidii loo taageeri lahaa Guutada koowaad oo muujisay halgan waxa ku ool ah. Guutada koowaad waxay haysaa howshii dhamaan qarranka Dhulbahante iyo qoomiyada Soomaali wayn ay qaban lahaayeen.
Go’ aamadii shirka ayaa waxaa ka mid ahaa in aan lacag dambe lagu dirin Dhiigshiil/Dahabshiil ninba siduu u yaqaan. Dhiigshiil oo ay ku cadaatay in uu yahay ragga carqaladda dami wayday ka wada gobolada SSC kuna mintidaya bur-burka qarranimada Soomaaliyeed.
Waxaa dhamaan beesha Dhulbahante iyo dhamaan dad waynaha Soomaaliyeed ee qarranimada danaynaya la ogaysiinayaa in aanay lacagtooda u gaynin nin duulimaad ku ah qarranimada Soomaaliyeed. Soomaali oo dhan bay waajib ku tahay in wixii midnimada Soomaaliyeed dhaawacaya meel looga soo wada jeesto. Dhiigshiil wuxuu maalgeliyaa duulimaadka gardarada ah ee lagu kala jarayo geyiga Soomaaliyeed. Al-baabkiisa qofkii lagu qabtaa waa gacan ku dhiigle isagoo kale ah. Waa qof maangaab ah oo an garaynayn dhibtii laga soo maray Gobanimada iyo Midnimada Soomaaliyeed.
Dhiigshiil iyo Caada qaata yaasha u shaqeeyaana waa (war criminals) Dambiilayaal ku eedoobay dagaalada Soomaalidiidku ku wado kala goynta gayiga Soomaaliyeed. Iyadoo, marka qarranimadu hirgasho sharciga lala tiigsan doono waajibkoodana la marindoono ayaa haddana waxaa Mujtamaca Soomaaliyeed oo dhan ku waajiba ah in aynu cuno- qabatayn wayn saaro Soomaalidiidka.
Shirkaas oo shucuur aad u wayni ka muuqatay ayaa erayada lagu rakaadanayay waxaa ka mid ahay “Soomaali diidoow silic u dhimo, Soomaali diidoow silic u dhimo”
Halkaasi, oo laysku hoga tusaaleeyay in ay hawshani hawl qarran tahay oo aanay marnaba ku koobnan doonin gobolka ay ka socoto hadda. Xaqiiqduna waxay tahay in wixii Laascaanood ka dhacaa uu noqondoono dhaawac qarrameed oo Soomaali oo dhami u dhutin doonto.
Gabagabdii shirkaas ayaa waxay ahayd in aan loo kala hadhin dhibaatada soo foolsaaraysay Laascaanood iyo dhamaan beesha SSC. Mudo dheer ayaa dad waynaha Soomaaliyeed isha ka dayayeen beelaha Soomaalidiidka ah oo ku jirtay qaban-qaabadii ay ku dhaawici lahaayd qarrnimada Soomaaliyeed. Hadda waa kama dabays waa in la fahansiiyo Soomaalidu inay ka badantahay Soomaalidiidka. Lana xasuusto xiliyadii adkaa ee loo soo maray halganka qarranimada iyo midnimada Soomaaliyeed. “Soomaaliy ha Noolaato”
S. Xaaji-Gamgam
Notrth America
s.xaajigamgam@hotmail.com