Ku been abuurasho qaar ka mid ah oday dhaqameedyadda reer Buuhoodle.   

Kadib markii lala xidhiidhay Caaqil Axmed Diiriye C/lle oo magaciisu ku jiray liis la yidhi waxay bayaan ka soo saareen Buuhoodle bayaankaas oo ku saabsan qabsashada Laas Caanood iyo xaalada qoyska SS&C guud ahaan, ayuu wuxuu noo xaqiijiyay inuusan wax lug ah ku lahayn arinkan oo maqalba bayaankaa haba yaraatee. "Waa ii hadalkaagaa bayaankan aad sheegayso" ayuu yidhi Caaqil Axmed Diiriye. Bayaankaas oo ay daabacday buuhoodlemedia.com (http://buuhoodlemedia.com/joomla/index.php?option=com_content&task=view&id=1065&Itemid=26)  xidhiidh ayaan la samaynay shabakadaa aan ku waydiinayno saxiixyada odayaashaa ama cidii kale ee bayaankaa u keentay. Waana ka war sugaynaa.

    Waxaa qabsigii Laas Caanood ka dib ku soo batay shabkadaha SS&C ay leeyihiin bayaano is burinaya oo ay qoreen dad sheeganaya inay matalaan qoysas ka mida ah SS&C iyo kuwa kale oo burinaya arintaas. Shabakad ka mid ah shabakadaha ka shaqeeya kala dhantaalinta arinta reerka ayaa caan ku ah been abuurkaas, waxaadse moodaa in ay tahay cilad saamaysay in badan oo ka mid ah shabakadaha reer SS&C. Maamulayaasha shabakadaha qora bayaanadan haddii aanay qorin ama daabicin cida u soo gudbisay bayaanadda ay daabacayaan waxay u ekaanaysaa arin iyagu iska maleegteen taas oo cawaaqib xumo ku keeni karta sharafta iyo qiimaha warbaahineed. Arinta bayaankaas aan kor ku soo xusnay oo aan weli daba joogno wixii ku soo kordha naga war suga.

Mahadsanidiin

Bahda Xaadhadhan.org