Ku  Isimada Gobolada SSC.

 
Ku  Dadweynaha Gobolada SSC.
 
Og    Madaxda Maamulka Puntland.
 
Og  Dadwynaha Gobolada Puntland.
 
 
Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Badbaadinta Gobolda SSC { tele conference } ee 20 kii January, waxa laga wada hadley arrimo badan oo khuseeya Gobolada SSC, Puntland khaas ahaan iyo Soomaaliya caam ahaan.
 
Waxa si qoto dheer looga wada hadley go,aan ay gaareen Maamulka Woqooyi Galbeed,kaasoo ku saabsan sidii loo isticmaali lahaa lacagtii ay ku urursadeen in ay Mashaaric Horumarineed ugu sameynayaan Gobolada Sool iyo Cayn ee ay gardarada ku qabsadeen.
 
Waxay ururiyeen lacag badan oo tabarucaad ah oo ay dadweynaha, ganacsatada, iyo shaqaalaha Maamulka ka qaadeen. Waxay kale oo ay 2% saareen  cashuuraha dadweynuhu bixiyo. Waxay Idaacadaha iyo Shebkadaha warbaahinta ka sheegeen in ay Mashaariic Horumarineed ugu sameynayaan Goboladii ay xaaraanta ku qabsadeen ee Sool iyo Cayn sida biyaha macaan Dugsiyo Waxbarasho iyo Goobo Caafimaad.
 
Wuxuu Goluhu ilo lagu kalsoon yahay ka ogaadey in Maamulka Woqooyi Galbeed is tusay in haddii uu sameeyo Mashaariicdaa Horumarineed oo beri dib looga qabsado, in khasaare ugu jiro. Waxay markaas goosteen in ay lacagtii u isticmaalaan sidan soo socota.
 
-  In Dhulbahante loo kala saaro Hawd iyo Nugaal.
 
-  In Dhulbahante la isugu diro beel beel iyo raas raas'.
 
-  In la laaluusho Odayaal, Askar iyo wixii la jiidan karo.
 
-  In beelaha qaarkood loo ballan qaado in degmooyin cusub loo sameyn doono, dad badana loo shaqaaleyn doono.
-  In ay iibsadaan, baabuurta, tiknikada,hubka iyo saanada dadweynaha iyo Maamulka Puntland.
 
-  In ay daabacaan lacag aad u farabadan oo Soomaali  oo ay geeyaan Gobolada Puntland oo dhan si sicir barar u dhaco.
 
-  Falalkaas oo dhan in loo adeegsado dad u dhashay SSC.
 
Sidaas darteed wuxu Goluhu ku boorinayaa in dadweynaha ku nool SSC iyo Maamulka Puntland ay ka digtoonaadaan arrimahaa loo maleegaayo.
 
Waxaannu kale u sheegeynaa dadweynaha Gobolada Woqooyi oo lacagtooda laga yaabo in ay niyad sami u bixiyeen in lacagtoodi sidaas qaloocan loo isticmaaley.
 
                                    Golaha Badbaadinta Gobolada SSC.
 
         Kala xiriir guddidassc@yahoo.com