Golaha Badbaadinta Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn-
Taageero Goaankii Boocane.
Ku: Isimada Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn
Ku: Dadweynaha Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn
Og: Maamulka Puntland
Guddoonka Golaha Badbaadinta Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn, oo manta 24
November 2007 yeeshay teleconference, wuxuu isla gartay isagoo ku hadlaya afka
Golaha, inuu su buuxda u taageero go’aanadii shirweynaha iyo ogolaanshihii iyo
bayaankii isimada Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ee ay arrintaas ku ansixiyeen.
Waa
Guul weyn iyo wax laga filaayey Isimada iyo dadweynaha Sool,Sanaag iyo Ceyn.
Dadku waa dhashii Daraawiishta ee ka diiday dawladii
Ingiriiska ee aduunka ugu xoogga weyneyd inuu dhulkooda gumeysto, oo muddo 22
sanadood kula dagaalamaysey. Ma waxay ka ogolaanayaan maxaysatadan
Somalidiidka ah ee la isu soo uruuriyey ee 10ka Kaba Leef ay horboodayaan.
Jawaabtii waa maya iyo waxaan dhici karin.
Waxaanu kale oo mahad iyo hambalyo u diraynaa Beesha Boocame sida habsamida
ah, wax ku oolka ah ee ay shirkaas u martigeliyeen una suurto geliyeen.
Waxaa inoo balan ah fulitaanka iyo dhakhso u hirgelinta go’aamadaas.
Guddoonka Golaha Badbaadinta Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.